Xildhibaan Qabile oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan dastuurka qaranka loo furi Karin dan ay cid gaar ahi leedahay,

0

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay dareenada ku xeeran in dastuurka somaliland la furo.

Xildhibaan Qabile oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan dastuurka qaranka loo furi Karin dan ay cid gaar ahi leedahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan mudanayaasha xusuusinayaa in sanadkii 2001 markii la ansixiyey dastuurka inuu cadayno oo maxkamada sare-na go’aan ku soo saartay in hanaanka siyaasadeed loo marayo dastuurka qaranka, qodobka 27aad ayaa si wanaagsan u qeexaya hanaanka loo marayo haddii dastuurka la furayo iyo haddii wax laga badalayo oo aan ahayn hawl yar.”

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata

ayaa intaas raaciyey “Qayb dalka ka mid ah looma furi karo dastuurka ee waa inay maslaxad caam ah oo umada oo dhan ka dhaxaysa oo lagu wada qanacsan yahay ay ahaataa, Baashe waa hogaamiyihii qaranka ee lahaa maamuuska sadexaad ee qaranimada, bari haddii uu sidaa kaga tago waa madax aan dhacayn oo leh bisilkeeda oo geeri uun ka disho sida madaxweynayaasha iyo madaxweyne ku xigeenadii dalka, ninka maamuuska culayskaas leh waa ku waajib inuu ixtiraamo bulshada iyo sharcigeeda.”

Xildhibaan Qabile oo ka hadlaya heshiisyadii ay gashay xukuumada Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi “Balanqaadyadii yaryaraa ee ay Siilaanyo is waydaarsadeen ee meelaha qaarkood ee xiligaas nagu dhex heehaabaysay, waxaanu la sugaynaa marka golahayagu yimaado inaanu wixii sharci ah dariiqeeda marno oo aan la wadaagayo golaha oo Baashe ka mid yahay.”

Ugu dambayn xildhibaan Qabile waxa uu fariin u diray gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland waxaanu yidhi “Waxaan mudanaha talo ku siin lahaa maadaama aad tahay madaxdii ugu saraysay ee qarankan maamuuska ku lahayd malaa qolqol aynu ka sii hadalno waxa ka wanaagsan inaga oo gabood sharcigu leeyahay ka hadalna.”