Dawlada Maraykanka Oo Xayiraadii Ka Dul Qaaday Qaxootigii Ka Imanayay 11 Wadan Oo Hore U Saray Diidmo,

0

Dawladda Maraykanka ayaa mamnuucista ka qaaday dadka qaxootiga ah ka socda 11 dal oo loo arkay in ay halistooda badan tahay in ay galaan Maraykanka, balse waxa ay wajahayaan badhritaan dheeraad ah ka hor inta aanan loo ogolaanin in ay dalkaas galaan.

Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baadhitaan adag oo la xidhiidha  heerka halista.

Maamulka Trump ayaa bishii Obtoobar mamnuucay in ay Maraykanka galaan dadka ka socda 10 dal oo Muslimiinta u badan yihiin iyo dalka Kuuriyada Waqooyi.

“Waa muhiim in aan ognahay qofka soo galaya Maraykanka waxa uu yahay” ayay tiri Nielsen .

Inkasta oo waddamada mamnuucista ay saamaysay aanan magacyadooda la sheegin, haddane kooxaha qaxootiga u ololeeya waxa ay sheegeen in ay kala yihiin dalalka Masar, Iran, Ciraaq, Liibiya, Mali, Kuuriya Waqooyi, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, Suuriya, iyo Yemen.

Saddexdii sano ee ugu dambeeysay qaxootigii Maraykanka galay boqolkiiba 40% waxa ay ka yimaadeen dalalkan.

23 qof qaxooti ah oo kaliya ayaa Maraykanka galay tan iyo intii Trump uu soo rogey mamnuucista, waxayna arrintaas ku suurtogashay amar maxkamadeed.

 

 

Source:-BBCsomali