Wdanka Kenya Oo Taariikjda Markii Kowaad Yeeshay Labo Dawladood iyo Labo Madaxwayne

0

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay madaxweynaha Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.

Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse kuwii ugu muhiimsanaa sida Kolonzo Musyoka oo ku xigeenkiisa ah kama aysan muuqanin meesha.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Horey waxaa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta.

Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila uga digay in dhaarinta

ay tahay fal qiyaano qaran ah, ciqaabtana ay tahay dil toogasho ah.

 

Sources: BBC Somali