Wasaarada Horu Marinta Maaliyada Oo Bilawday Odoroska Miisaaniyada Iyo Xog Waranka Wasiir Yuusuf Maxamed

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa shalay sheegay inay Wasaarad ahaan bilaabeen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan aynu ku Jirno ee 2018,Taas oo ku Salaysnaan doonta Sida uu Yidhi Siyaasada Xukuumadda Cusub.

Wasiirka maalliyada oo ay weheliyaan saraakiisha waaxaha kala duwan ee wasaaraddaas gaar ahaan waaxda miisaanniyada oo la hadlay warbaahinta “Guddida siyaasadda  ee golaha wasiirradu waxay is barbar wadi doonaan samaynta siyaasaddii miisaaniyada iyo la kulanka hay’adaha qaranka maadaama oo waqti  aanaan haynin, muddadii horena aanu ku hawlanayn dardar galinta shaqada wasaaradda iyo habaynta waaxeheedii kuwaas oo aanu hadda dhamaystirnay”.

Wasiirka horu marinta maaliyada oo hadalkiisa sii wata ayaa

intaas raaciyey “Annagu waxaanu ku hawlanahay inaanu markii koowaad soo saarno  qorshaha ay wasaaradda Maalliyadu leedahay 2018-ka, sidoo kale waxaanu ku hawllanahay samaynta miisaanniyada kharashaadka iyo cashuuraha  annagoo aasaasnay waxa loo yaqaanno Fiscal policy Unite”. Ayuu yidhi wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi.

Geesta kale Wasiirku waxaa uu shaaciyey in ay u qorsheysan tahay inay socdaallo shaqo ku soo mari doonaan magaalo madaxyada gobollada dalka oo dhan iyaga oo u kuur gali doona sidii loo dardar gelin lahaa hawsha ay wasaarad ahaan qaranka u hayaan.

Kulankan ay wasaaradda maalliyadu ku shaacisay bilowga qorshaha miisaanniyada  ee ay dejinayaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL ahna guddoomiyaha maxakamadda distooriga ah ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.