Afartan Kun Oo Dadka Madoow Ah Ayaa Yuhuudu Amartay In Dalkeeda Iskaga Baxaan

0

Sida ay wararku sheegayaan, inta badan dadka ay arrintan saameysay waxay yihiin muhaajiriin loo diiday in magangelyo laga siiyo Israa’iil.

Waxay dadkaasi badankooda ka soo kala jeedaa dalalka Eritereya iyo Sudaan. Waxay qaxooti ku yihiin Israa’iil.

Ogeysiis ay bixisay waaxda bulshada iyo socdaalka Israa’iil ayaa ku amraya muhaajiriinta in ay dalka ka baxaan ka hor intaan la gaarin dhammaadka bisha Maarso.

Wuxuu qofkastoo qaxooti ah ee heli doonaa $3,500 oo dollar si ay dalkooda ugu laabtaan amaba ay u aadaan dalalka Rwanda ama Uganda.

Amarka Israa’iil eek a dhanka ah qaxootiga Afrikaanka ah ma saameynayo caruurta iyo dadka waaweyn, dhibanayaasha adoonsiga iyo kuwa la kulmay dhibaatada tahriibta.

Dowladda Israa`iil ayaa sheegtay in dib u laabashada ay tahay mid iskaa ah oo waafaqsan hannaanka hab bani`aadannimada.

Balse hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo kooxo kale oo xuquuqda dadka u dooda ayaa sheegay in qorshahan lagu muransan yahay uu wax u dhimayo shuruucda caalamiga ah iyo kan Israa`iil.

Israa`iil ayaa muddo dheer la daalaa-dhaceysay wax ka qabashada tobannnaan kun oo ah Afrikaanka aan Yuhuudda ahayn oo dalkaasi galaya, iyagoo raadinaya magangelyo ama shaqo.