Ayatollah Cali Khameni ayaa hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii rabshadaha ay bilowdeen kuwaas oo u dhexeeya dibadbaxayaal iyo laaamaha amniga.

0

Ayatollah Cali Khameni ayaa hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii rabshadaha ay bilowdeen kuwaas oo u dhexeeya dibadbaxayaal iyo laaamaha amniga.

Sagaal qof oo ay caruur ka mid yihiin ayaa xalay lagu dilay rabshado ka dhacay bartamaha dalka Iiraan, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay.

isu soo baxyadan waa kuwii ugu ballaarnaa tan iyo 2009-kii xilligaas oo lagu murmay doorashadii madaxtinimo.

“Dhowaanahan, cadowga Iiraan waxay adeegsanayaan qaabab kala duwan sida dhaqaale, hub, siyaasad iyo sirdoon, si ay qalalaase uga dhaliyaan Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan,” ayuu yiri hoggaamiyaha ruuxiga ee dalkaasi.

Wuxuu sheegay in shacabka uu kala hadli doono xaaladaha hadda taagan “marka uu waqtiga u saamaxo”.

Isu soo baxyada waxay Khamiistii ka bilowdeen magaalada Mashhad, waxayna ka dhasheen sare u kaca qiimaha alaabta iyo musuqmaasuq, laakiin waxay ku baaheen qeybo ka mid ah dalka waxayna isu bedeleen kacdoon ka dhan ah dowladda.

Qiyaastii 450 qof ayaa lagu xiray Tehran maalmihii la soo dhaafay, ku xigeenka maayarka gobolka ayaa sidaasi sheegay.

“Illaa 200 oo qof ayaa sabtidii la xiray, 150 kalena waxaa la qabqabtay Axaddii, Sidoo kale Isniintii waxaa la xiray illaa 100 qof,” ayuu yiri Cali Asghar Naserbakht.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani wuxuu horey u sheegay in dibadbaxyada ay yihiin “fursad, oo aysan ahayn halis”, laakiin wuxuu ku hanjabay in laga hortagi doono “kuwa sharciga jebinaya”.

Dowladda Mareykanka ayaa taageertay dadka isu soo baxay oo ay ku tilmaamtay “iska caabin geesinimo ah”.

Dhaqdhaqaaqii 2009-kii waxaa ka qeybgalay malaayiin qof ka dib markii la isku khilafay doorashadii madaxtinimo ee Maxamuud Axmadinajad. Dadkii dibadbaxayay waxaa looga hortagay si aan naxariis lahayn, waxaana la dilay ugu yaraan 30 qof, sidoo kale waxaa la xirxiray kumannaan qof.

Dowladda Turkiga waxay muujisay walaaceeda ku aadan deganaansho la’aanta Iiraan, waxayna ka digtay in xaaladda ay sii xumaato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sii xoojiyay dagaalkiisa afka ah ee ka dhanka ah hoggaamiyayaasha Iiraan.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray “Shacab waynaha dalka Iiraaan waxaa la cadaadinayay sannado badan. Waxay u gaajeysan yihiin cunto iyo xuriyad”.Midowga Yurub wuxuu dwladda Iiraan ka dalbaday in ay xaqiijiso “xuquuqda dibadbaxyada nabadda ah”, waxayna sheegeen in maamulka Iiraan ay kala hadleen arrinta ayna kor kala soconayaan xaaladda.