Maareeyaha Dekada Berbera Oo Xaqiijiyey In Amar Madaxweyne Lagu Joojiyey Dhulkii Raasiga Dekada

0

Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xassan Cabdilaahi iyo Wasiirkii hore ee wasaarada Ganacsiga Dr Cumar Shuceyb Maxamed ayaa ka hadley dhulka raasiga dekada Berbera uu madaxweyne Muuse Biixi joojiyey xili ay xukuumadii hore ay cid gaar ah siisay .

Waxaana uu maareeyuhu uu xaqiijiyey jiritanka warqada amarka madaxweynaha oo uu Geeska Africa shalay baahiyey .

Maareeyaha Dekada Berbera Siciid Xassan Cabdilaahi iyo wasiirkii hre ee Ganacsiga Dr Cumar Shuceyb Maxamed oo u waramey Geeska Africa ayaa ugu horeyn maareeyaha dekada Berbera Siciid Xassan Cabdilaahi aanu wax ka weydiinay wax a jira in ay soo baxday warqada amarka madaxweynuhu ku joojiyey dhulka Raasiga Berbera waxaana uu ku jawaabey

“Ilaa hada warqada

amarka ee lagu joojiyey raasiga namay soo gaadhin lakiin waa ay soo baxdey aana sugeynaa waxayna ay na so gaadhi doonta Bari ( Maanta ) , madaxweyne Muuse Biixi isaga ayaa dalka ka masuul ah isaga ayaa dalka madaxweyne u ah talaabo kasta oo uu u arko in danta dalka Faa,ido ugu jirto xaq buu u leeyahay in uu go,aan ka gaadho , wax kasta oo uu arko in dalka iyo dadka aaney faa,ido ugu jirina xaq buu u leeyahay in uu go,aan ka gaadho , sababta oo ah isaga ayaa hada ah madaxweynaha qaranka ee la doortey insha alleh homar balaadhan ayaanu dalka gaadhsiin doonaa “

Mareeyaha dekada Berbera mar uu ka hadlaayey dekada waxaa uu yidhi ” dekada Berbera waa dekada ugu weyn dalkeena hadana hawsha iyo shaqada dekadu si fiican bay u socotaa ” ayuu yidhi

Wasiirkii hore wasaarada Ganacsiga Dr Cumar Shuceyb Madaxweyne oo isaguna hore uga digay dhulka Raasiga dekada ee la bixiyey oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in la joojiyo ayaa ku jawabey

” Waa mihiim in la joojiyo Raasigu dekada ayuu ka mid yahay waana meelaha ay dekkadu ka maarmeyn sida ay dekada Mihiim u tahay ayaa dhulka Raasiguna dekada mihiim ugu yahay markaas madaxweynaha aad iyo aad aan ugu taageersanahay inuu joojiyo ” ayuu yidhi