Cabdiraxmaan Seylici Oo Sheegay In Golaha Deegaanka Boorama Kaalin Hoose Kaga Jiraan Golayaasha Deeganada Dalka Qiimayn La Sameeyey

0

Seylici

Boorama(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaciyey in Golaha deegaanka degmada Boorama kaalin hoose ka galay qiimayn lagu sameeyey Golayaasha deegaanka ee magaalooyinka. Waxaanu inay dhaqaalaha ay soo saaraan si caddaalad ah wax ugu qabtaan bulshada dooratay, balse aanay wada gaadhsiin karin hadday damcaan inay Madaxda sare wada gaadhsiiyaan.

 

DSC03730Madaxweyne Ku-xigeenka oo shalay ka qeybgalay kulan ay lahaayeen Golaha deegaanka magaalada Boorama, ayaa Maayerka degmadaas oo ugu horreyn kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey oo gaadhaysa laba bilood ay jiraan wax-qabad ay soo kordhiyeen, waxaanu yidhi; “Xilka degmada oo muddo laba bilood wax yar dhiman aannu haynay, wax-qabadkii u horreeyey waa laba fasal oon dhisnay iyo qalabkoodii, gaadhi iyo Cagaf Sheywal ah oon degmada u iibinay iyo mushaharkii shaqaalaha oo muddo afar bilood ay lahaayeen aanu siinay.”

Maayerka degmada Boorama, ayaa sheegay in mashaariicdii horumarku ka socdaan degmada, qaadhaankii  dhinacoodana ay bixiyeen, waxaanu yidhi; “Laba waddo ayaa immika dhismahoodu socdaa mid dhinaca madaarka iyo mid dhinaca qorigaab ah, waxii qaadhaan dhinacayaga nagaga soo hagaagayeyna waanu bixinay, dhismahoodiina wuu socdaa, inaan wax u qabano dadweynahii na soo doortana diyaar ayaan u nahay.”

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Golaha deegaanka Boorame wada-jir ugu shaqeeyaan bulshada soo dooratay, kana qeybgalaan tartanka Goleyaasha deegaanka dalku ku jiro, waxaanu yidhi; “Waxaan idinku guubaabinayaa in ummadda idin dooratay ee aad ka masuulka tihiin, ee aad Kitaabka gacanta u saarteen, si caddaalad ah ugu shaqeysaan, oo waxii dhaqaale u yimaaddana ugu xaqsoortaan, waa lay doortay iyo reer hebel baa I soo doortay wax macno ah oo ay idiin samaynasaa ma jirto.”

“Dadka caddaalad ayaa wada gaadhsiin kartaan, iska daa dawlada hoose, hadaad dhaqaalaha aad haysaan dhamaantii is tidhaahdaan gaadhsiiya Madaxda Qaranka ma wada gaadhsiin kartaan, balse kolba waxa la hayo in ummadda caddaalad in loogu qeybiyo ayaa muhii ah.”

Cabdiraxmaan-Saylici Saylici, ayaa sheegay in degmada Boorama dib-u-dhac ku yimi marka laga hadlo mashruucii waxbarashada tijaabada ahaa oo degmooyinka Burco iyo Berbera la wadaagayeen, waxaanu yidhi; “Marka loo eego mashruucii waxbarashada tijaabada ahaa dib-u-dhac ayaa dhinaciinna laga sheegayaa, marka loo eego degmooyinkii kale ee Berbera iyo Burco, waxa la idiinka baahan yahay inaad soo gaadhaan. Waxa kale oo soo socda mashruuc tijaabo ah dhinaca caafimaadka, si maamuldaadejin loogu sameeyo adeegyada bulshada.”