Golaha Wakiiladu Mooshin ha ku Hor-joogsadaan in Shirkadaha Sameyska ahi La Wereegaan Haamaha Shidaalka ee Berbera .Qalinkii A/rahman fidhinle UK‏

0

Xukuumadan ku meelgaadhka ah ee Suubiska ah ee waqtigeedii uu dhamaaday 27/7/2015. Waxay caado ka dhigatay in ay hantida maguuraanka ah ee ummadda ay sida ay doonto ka yeesho oo ay ku wareejiso kuna naaxiso shirkado gaar ah iyo Shaqsiyaad gaar ah oo ku mammay libqinta iyo laba liska agabkii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka..  Waxay caadaysatay in ay mar walba Sumal Baruureystay ay Badhi ku sii shubto oo sii naaxiso.Hadaba arinta ugubka ah ee hada soo shaac baxaday ayaa daaha ka fayday in Shirkadaha ay Xukuumadu Haamaha Shidaalka ku wareejinayso ay ku jiraan Shirkado cusub oo sameys ah oo ay leeyihiin wasiirada ugu tunka weyn Xukuumada oo ay ku lingaxan yihiin qoyska madaxtooyadu.
Waxaa arin axmaqnimo iyo arxandaro ah in xukuumadu ku wareejiso Hantidii guud ee qaranka sifeyaal aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka iyo qawaaniintiisa kala duwan. Xukuumadan  Xaaluf-daaqa ah ee gabalkeedii uu sii dhacaayo iyada oo ka faa’iidaneysa Xeerarka qabyada ah ee aan qeexneyn ee Dastuurka dalka ayey Go’aan ku gaadhay in Haamaha Shidaalka ee Dalka ay ku naasnuujiso Shirkado cusub oo Sameys ah iyada oo ku raadgadanaysa oo Food saaro ka dhiganeysa 5-ta shirkadood ee hore macaamiisha  ula lahaa Haamaha Shidaalka ee Berbera.
Sida Warbaahinta kala duwan lagu  baahiyey  dhawaan shirkadaha lagu wareeginaayo Haamaha Shidaalka ee Berbera waxaa ka mid ah kuwan hoose:
1- RED SEA
2- HASS CO
3- WARAABE PETROLEUM
4- SOM PETROLEUM
5- LIIBAN PETROLEUM
6- AL-WAARID  PETROLEUM
7- SOM OIL CO
8- PETROLEUM STAR
Waxaa waxgaradka Somaliland ee fogaan araga ihi isku waafaqeen in aaney Shirkadahani u soo marin qandaraaska sife tar-tan ah oo xalaal ah oo xalibnaan leh oo waafaqsan shuruucda qandaraasyada ee qaranka u yaala , Waxaana la cadeeyey in ay qaar ka mid ah Shirkadahaasi ay yihiin Weel iyo Yeel ay sameysteen wasiirada ugu tunka weyn xukuumada Siilaanyo si ay ugu dhoobo qaadaan hantida ummadda baahan. Waa in heshiis kasta la soo mariyaa Golaha Baarlamaanka si ay muraadkooda uga gutaan oo u ansixiyaan. Mana aha in fursadaha dhaqaale ee dalku uu ku ururo koox yar oo Gacan wadaaga yaqaana. Ma aha in shuruucda dalka ay ku shaqeystaan oo keliya 4-ta wasiir ee idman iyo 4-ta taajir ee xaaluf daaqa noqday.Shidaalku Waa halbowlaha nolosha aas aasiga ah , mar hadii uu shidaalku qaali noqdana waxaa kor u sii kacaysa nolol maalmeedka  maceeshada oo sicir bararka jira  ayaa cirka isku sii shareeraaya. Sidaa Daraadeed Waxaa Golaha Wakiilada ee Somaliland laga Codsanayaa in aanay Shirkado aan iyaga ka haysan Shahaadad Maalgashi ay Haamaha iyo Dekedaba la wareegaan oo dalka ka hawl-galaan.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London