“Anigu Waxaan Qabaa Inaannu Ugu Habboonnahay Inaannu Dalka Hoggaamino, Laakiin Siyaasiyiin Aan Waxba Wadi Karayn Baa Na Inqilaabay…” Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow

0

“Haddii maanta iyaga dhibi ka dhex jirto, labaduba waa Innamadayadii umana kala hiilin karno, annagaanay noo taal inaannu saxno… Anigu waxaan qabaa inaannu ugu habboonnahay inaannu dalka Hoggaamino, laakiin Siyaasiyiin aan waxba wadi karayn baa na Inqilaabay…” Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow

Hargeysa(Berberatoday.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow, ayaa sheegay inaanu ogeyn loollan siyaasadeed iyo khilaaf ka dhexeeya Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista Hawada, haddii ay dhacdo in khilaaf soo kala dhex-galo amaba uu hadda ku dhex-jirana ay tahay hawl u taalla Beesha ay ka soo jeedaan ee uu isaguna Boqorka u yahay oo ay iyagu sixi doonaan.

 

edc5e65c0357e0f8162a74381878b344_LBoqor Buur-madoow oo shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu ka soo horjeedo Heshiiska Xukuumaddu ku wareejinayso Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera, isla markaana waxa uu ku dooday inaanay Madax-dhaqan ahaan jirin cid kaga habboon inay dalka hoggaamiyaan, balse ay Siyaasiyiin waxba wadi karin inqilaabeen sida uu hadalka u dhigay Boqor Buur-madoow.

Mar uu Boqor Cismaan Buur-madoow ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu kala socdo khilaaf iyo loollan u dhexeeya Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay ku kala jiidanayaan Musharraxnimada Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi; “Labada Nin ba Oday baan u ahay, Odayga (Madaxweynaha) ayay la shaqeeyaan, Odayga ayay gacan-yarihiisa yihiin, afka beesha midkoodna kuma hadlo, afka beesha dhaqanka oo annaga ah baa ku hadalna, wax khilaaf ah oo labadooda dhex yaallana anigu ma ogi, loollan Madaxweynaha ay la shaqeeyaan ay loollamayaanna ma ogi. Haddii maanta iyaga (Wasiirrada Duulista iyo Madaxtooyada) dhibi ka dhex jirtana, labaduba waa Innamadayadii umana kala hiilin karno, annagaanay noo taal inaannu saxno, mana ogi hadda wax khilaaf ah oo iyaga dhex yaalla.”

“Anigu waxaan qabaa in Madaxda Dhaqanku ugu habboon tahay inay dalka hoggaamiso. Waxaannu qabnaa inaannu nahay Rag dalka hore u hoggaamin jiray oo Ingiriis wax la qortay oo la inqilaabay oo Innamo yaryar oo Siyaasiyiin ah oo aan waxba wadi karini inqilaabeen.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow oo ka hadlayey doorka hoggaaminta Madax-dhaqameedka Somaliland oo beryahan dambe aad loo dhalliilo hab-dhaqankooda iyo ku milanka ay ku kala milmeen dhinacyada Siyaasadda.

Waxaanu Boqor Cismaan oo sii watay hadalkiisa sheegay inay isu arkaan Madax-dhaqameed ahaan hoggaanka ruuxiga ah, waxaanu yidhi; ”Waxaannu qabnaa inaannu nahay hoggaanka ruuxiga ah ee talada wax ku leh ee bulshadu ixtiraamto. Laakiin, hadalka odhanaya Siyaasadda ma soo geli karaan, waa afka Siyaasiga. Caalamkii wuu ilbaxay, dadkayagii waxay joogaan shanta Qaaradood ee Adduunka, Geedkii Miyiga ku hadhi maynee dadkayga ayaannu daba soconnaa, Teknoolajiyadda ayaannu la soconnaa, horumarka ayaanu la soconaa,”ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Waxa kale oo uu Boqor Cismaan Buur-madoow ka hadlay Heshiis ay Xukuumadda talada Somaliland haysaa la gashay lix Shirkadood oo ka tirsan kuwa Shidaalka keena oo ay ku wareejinayso Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera sida uu u arko, waxaanu yidhi; “Heshiiska Haamaha Kaydka Shidaalka anigu waxaan u arkaa Hanti Qaran in lugu wareejiyo Shirkado gaara, xal uma hayo, waanan ka soo hor-jeedaa, mana taageersani arrinkaas Haamaha Shidaalka