“24-ka Milyan Ee Doollar Meel Ay Ka soo Baxdo Annagu Ma Ogin, Cidda Sheegatayna Waa Ninkii Haamaha Masuulka Ka Ahaa”

0

Hargaysa(HWN):-Xubno ka mid ah Mulkiileyaasha shirkaddaha Shidaalka soo dejiya ee Somaliland markii u horeysay ka hadlay go’aanka ay Golaha Wakiilladu ku laaleen qorshaha wareejinta haamaha shidaaka Berbera, masuuliyiintan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa daaha ka rogay asaraar wax is daba marineed oo la xidhiidha go’aanka uu goluhu ku laalay heshiiskan.

Guddoomiyaha shirkadaha shidaalka Xasan Maxamed Cige oo ugu horeyn ka hadlay arrintan ayaa fashiliyey deyn uu maareeyaha Haamaha Shidaalku ka qabo shirkadahan taas oo lagu dayar tiray Haamaha shidaalka lagu kaydiyo ee Berbera oo ay sheegeen in markii uu dareemay in la fulinayo heshiiska wareejinta uu bilaabay muranka iyo buuqa

haamaha shidaalka isagoo dhaameel u qaybiyey golaha wakiillada kana ololeeyey in ay ogolaadaan in la wareejiyo:- –