Waxaaannu leenahay haddaad keentaan iyo hadaydaan keeninba sidaas bay u laalnaanaysaa” Boobe

0
Hargaysa(BGN):-Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu waajib sharci oo saaran guteen, isla markaana waxa uu duray Wasiirka Ganacsiga oo sheegay inaanu garanayn waxa ay Golaha Wakiilladu laaleen maaddaama oo aanu jirinba wax heshiis ah oo Xukuumadda ay Wasaaraddiisu u gudbisay iyo wax heshiis ah oo Madaxweynuhu Wakiillada u soo gudbiyey toona, ka dib markii ay Axaddii laaleen heshiis lagu wareejinayo Haamaha Shidaalka ee Berbera.

Boobe waxa uu ka sheekeeyey Taariikh uu Ciidan SNM ka tirsanaa oo isu diyaariyey inay weeraraan, isla markaana Madaafiic la dhacaan oo ay

gubaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera 1990-kii Axmed-Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihii SNM, maantana Somaliland Madaxweyne ka ahi ka badbaadiyey Ciidankaas, aadna uga sheekeyey qiimaha iyo dedaalka la geliyey, oo uu si fiicanba u fahansiiyey.Hase-yeeshee, Boobe waxa uu ku dooday inuu aad ula yaabban yahay in ninkii maalintaa badbaadiyey Haamaha in la qarxiyo uu maanta isagoo Madaxweyne ah aqbalay inuu Shirkado dad gaar ah loogu danaynayo la galo heshiis dhigaya in lagu wareejiyo Haamaha iyo Maamulkooda lix shirkadood oo gudaha dalka laga leeyahay.

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale waxa uu u mahad-celiyey Munayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo uu sheegay inay guteen Waajib Dastuuri ah iyo awood sharcigu siiyey, isla markaana markasta looga baahan yahay inaanay daba-dhilif noqon ee wixii ay u arkaan inaanay dalka iyo dadka Somaliland dani ugu jirin u laalaan oo ay uga hor-tagaan sida ay Axaddii meesha uga saareen heshiiska suuqa madoow ah ee Xukuumaddu ku wareejinaysay Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee magaalada Berbera. Warbixinta Warka Boobe oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-