“Markaan Hargeysa Tago Ee Aan Muddo Joogo, Ayaan Dooran Karaa Axsaabta Siyaasada” Ismaaciil Hurre Buubaa

0
Hargaysa(BGN):-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo la filayo inuu toddobaadkan gudihiisa dib ugu soo laabto caasimadda Hargeysa, kadib markii uu muddo dhawr iyo labaatan sanno ah kaga maqnaa mabda’a Soomaaliwayn oo uu aaminsanaa, ayaa ka hadlay sida uu u arko inuu raaligelin ka siiyo shacabka Somaliland fikirkiisa uu kaga soo horjeeday madaxbannaanida Qaranimadooda.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan shaaciyey inuu ka noqday mabda’iisii uu ku raadinayey in mar kale la helo midowga dalkii Soomaaliya, kana mid noqonayo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee beesha caalamka ka doonaya aqoonsiga madaxbannaanidooda, ayaa sheegay inuu ku maqnaa fikirkiisa oo ula muuqday wax uu xaq u leeyahay,

isla markaana aannu filayn in laga hortago fal-celin iyo gocasho aan waxba hagaajin. Waxa kaloo uu tilmaamay doorka uu ka ciyaari karo saaxadda siyaasadda dalka oo uu xusay in aannu ku degdegayn.Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu khadka telefoonka ku siiyey telefishanka Af-soomaaliga ku hadla ee Kalsan isagoo jooga magaalada Dooxa ee dalka Qadar, kaasi oo su’aalihii la waydiiyey ay ka mid ahayd inuu raali-gelin ka siinayo shacabka Somaliland fikirkiisii, maadaama uu ahaa mid uu ku khaldanaa oo muddo dhawr iyo labaatanka sannadood kadib ah u soo noqday mowqifkii Somaliland taagnayd, waxa uu ku jawaabay sidan; “Anigu waxaan ahay dadka aaminsan in qof kastaba xaq u leeyahay fikirkiisa, dadka sidaa qabaana (inuu raali-gelin bixiyo) xaq bay u leeyihiin, waanay jiraan cabashooyin iyo waxyaabo kale oo la samayn karo, laakiinse anigu sideedaba siyaasadda waxaan u arkaa inay noqoto hab fal-curis ah oo laga wadahadlo wixii dani ku jirto iyo sida arrimaha loo hagaajin doono, balse aanay noqon mid fal-celis ah oo gocasho iyo waxaan maanta cidnaba wax u tarayn in la isku mashquuliyo oo aan anigu u arko waqti-lumis iyo waxaan cidnaba waxba u tarayn.”

Mar kale waxa la waydiiyey siduu u arko inay jiraan dad badan reer Somaliland ah oo u arka isaga in fikirkii Soomaaliwayn ee kaga soo horjeeday madaxbannaanidooda ay saamayn ku yeelatay aqoonsi Somaliland heli lahayd, waxaannu yidhi, “Marka la isku tago kolay waxyaabo badan baa la iska waraysan doonaa, waqtigaasi ayey ku habboon tahay in arrimahaas la dhexgalo, waxay ila tahay ka hordhac bay noqonaysaa in aan iminka faaleeyo dadka aannu isku iman doono iyo waxaannu ka wadahadli doono iyo siday wax noqon doonaan, laakiin waxaan rajaynayaa in si wanaagsan oo walaaltinimo iyo wax-wadaqabsi leh ayey arrimuhu iska noqon doonaan, aad iyo aadna waan u sugayaa arrintaas.”

Dhinaca kale, waxa wax laga waydiiyey halka uu doonayo inuu ka galo saaxadda siyaasadda Somaliland ee u samaysan hannaanka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan ah, isagoo tilmaamay in aannu ku degdegayn kala doorashada axsaabta, “Arrintaa markaan tago Hargeysa ee aan weliba muddo joogo ayaan malaha dooran karaa axsaabta siyaasadda iyo waxyaabaha jira, guud ahaan anigu haddii aan wax u tari karo Somaliland waxa weeye khibrad muddo dheer lahaa oo aan siyaasadda ciwaankeeda iyo caalamku siday tahay ayaan filayaa in aan wax ka fahamsanahay, wixii kale ee aan ku biirin karo ee axsaabta jirta iyo siyaabahaa ay iyagu wax u kala jiidanayaan…” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.