Xamarji Iyo Duur Oo Ka Waramay Sababtay Xisbiga Kulmiye Uga Tageen Iyo Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

0

Hargaysa(BGN)Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Somaliland iyo Badhasaabkii Gobolka Togdheer Ayaa ka Shekeeyay sababta Keentay in Ay Xisbiga Kulmiye ka Huleelaan una Digo Rogtaan Xisbiga,waxaana ay ka Warameen Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiinta Hanka Leh Ka u soo bixi Doono Jagada Madaxwayne.

Xamarji ayaa cadeeyay wax arin Ah oo Madaxtooyada somaliland yaliin inaanay Jirin,Rajadii Shacabkuna God Madaw ku dhacday Baadhis Badana loo baahan yahay Madaxtooyada in Lagu sameeyo.

Mudane Duur iyo Xamarji oo Lawaydiiyay sababta ay uga tageen xisbigaasi oo ay hore uga mid ahaayeen ayaa sheegay in wakhti hore dareemeen hog madow oo uu xisbigaasi hogaan la’aan darteed uga sii dhacayo, iyagoo hogaan

la’aantaasi ku macneeyay in madaxweynuhu aanu kala jahaynayn ragga ku hirdamaya hanashada hogaanka Xisbigaasi.Mudane Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa sheegay in xaruntii xisbiga Kulmiye ee xilligii uu mucaaradka ahaa oo markii uu guulaystay lagaga tagay intii hogaanka ahayd ay hadda Masuuliyiintii xukumadda xilalka ka hayay dib ugu noqdeen oo ay talada ka maroorsanayaan hogaankii intaas xukumaddu xilka haysay xisbiga ku hawlanaa.

“Waxaa laga yaabaa, afka waa laga dhawrayaaye hadda dhib kalaaba jirta. Xilka dadkii hayay xiisad kale ayay uga guureen, waxaa looga guuray xisbigii Kulmiye dhexdiisii, ayaa kuwii lagaga guuray goobtii xisbigu guusha ku helay ayaa mar labaad loogu soo daatay, xiisad adag baana halkaa ka taagan. Kuwii lagaga guuray goobta ee hogaanka ahaa ee markii guushu dhalatay xisbinimada lagaga guuray ayaa mar kale gurigii lagaga guuray ee ay xisbiga ku rabaaliyeen ayaa iyagii oo halkii fadhiya loogu soo datay, ayuu yidhi Mudane Duur.ayuu yidhi isaga oo waraysi Siiyay Star Tv

Mudane Duur waxa uu intaasi ku daray in rag badani ku loolamayo xisbiga “Xiisadda taalaa waxa weeye, dadkii waa wada baar-qab, waa wada madaxweyne, waa wada guddoomiye, waa wada farriid, waa wada amiir, taraafigii kala joojin lahaa ee odhan lahaa u kaadiyana ma joogo. Maanta shacbiga Somaliland way og yihiin waxa jira,cid walibana way hadal haysaa laakiin, wali dadku isma waydiin waxa ka dhalan doona, godoloolo ayaa noo muuqata, aniga iyo raggii iga mugga iyo talada cuslaa waxaanu uga tagnay godoloolada noo muuqatay, col jabana ninka la socda ayaa godoloolada jirta arka, ayuu yidhi Duur.”

Mudane Xamarji oo isna ka hadlay aragtidiisa Xisbigaasi ayaa ku dooday in hogaan la’aani raggaadisay Kulmiye “Waxaan leeyahay xisbiga Kulmiye waa Aafada kaliya ee ragaadisay dimuqraadiyadii, higsigii iyo doorashooyinkii Somaliland. Erayga Hogaan la yidhaa wuxuu ka dhashaa xadhiga,ninka iyo awrka, hogaanka waxa loogu baahan yahay waa ninkan awrka Ooda kala leexleexanaya ee awrka waddada ku soo celinaya, Xisbigii Kulmiye maanta hogaan la’aan baa haysa,” ayuu yidhi Mr Xamarji

Mudane Xamarji waxa uu intaasi raaciyay “Waxa nin doobinaya meeshaa joogta, waxaa ka dhiman hogaankii odhan lahaa Hebelow waa adiga, hebelowna ma tihid, intaas baa ka dhiman, intaasina balaayo afka lagama dhawree waa maqaadiir iyo Aafo ku timid Madaxweynaheena Jamhuuriyadda Somaliland.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata Xamarji.”Taladdii waxay u gacan gashay Xidid iyo xasabo, intaas ayay u gacan gashay. Intaasina meel alla meel aan intaa indhahoodu arkayaan ahayn oo ay ku maamulaan oo aan xiisahooga ahayni ma jiro. Waxaan leeyahay beelaha ay maanta ku dhex rafanayaan xisbiga Kulmiye ee ay isku dhex haystaan ee ay shirarka la kala galayaan wax alaale wax kala dhexeyaa ma jiro.

Xarunta madaxtooyada ayuu arrinkii xisbigani yaalaa, xarunta madaxtooyadana arrin aan baaba’iisa ahayn oo maanta yaalaa ma jiro. Waxyaabaha aanu uga tagnay waxay ahayd rajadiisa godka madow ku sii dhacaysa, waana taas dadka maanta u muuqata,macnaha kalmadduna waa waa uu baaba’ayaa Kulmiye” ayuu yidhi Mudane Xamarje.