Maxkamad Ku Taala Dalka Masar Oo Xukun Xadhig Ah Ku Riday Sadex Weriye Oo Ka Tiran Al-Jazeera

0
Maxkamad Ku Taala Dalka Masar Oo Xukun Xadhig Ah Ku Riday Sadex Weriye Oo Ka Tiran Al-Jazeera

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun ku ridday saddex weriye oo u shaqaynayey telefiishanka Al-Jazeera, waxaana maxkamaddani ku heshay dembi ah inay taageero u fidinayeen ururka dalkaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Maxkamaddu waxay saddexdan weriye ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah.

Xaakinka Xukunkan riday oo lagu magcaabo Xasan Farid ayaa sheegay in saxafiyiintani


ay wateen qalab aanay ogolaansho siinin saraakiisha ammaanku, isla markaana ay fidinayeen warar been abuur ah, waxayna qolkooda hurdada u isticmaalayeen xarun ay ka baahiyaan wararka iyaga oo aan ruqsad u haysan.
Â