Daawo Muuqaal:-Musuq-Maasuq Badan Ayuu Ku Kacay,Lacago Badan Ayaa Mugdi Galay,Mareeyaha Haamahu Baadhis Ayuu U Baahan Yahay.Xildhibaan Obama

0

Hargaysa(HWN)Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada somaliland ayaa Maanta Warbixin ku saabsan Haamaha Kaydka Shidaalka Laga Horjeediyay taas oo Lagu edeeyay inuu Musuq-maasuq Badan oo Baadhis u Baahan uu ku Kacay sida uu Sheegay Xildhibaan Obama oo Ah Guddoomiyaha Gudida Musuq-maasuqa Mareeyaha Haamaha Shidaalka oo Shirkado Gaar Ah ku wareejiyay Kaydkii Shidaalka.

waxa uu sheegay in Haamahu ay leeyihiin miisaaniyada Aan sharci ahayn oon Soo marin Golaha wakiilada Xisaab Xidhka Hanti dhawrkan Aanay ka Muuqan,isaga oo Cadeeyay in Ay Musuq-maasuq jiro Madaama oo Shirkadaha Lagu wareejiyay Aan tartan Xor Ah Lagu kala Saarin.

Sheekh Saleebaan Mareeyaha Haamaha waxa uu sheegay inta uu xilka hayay inuu ku talaabsaday Horumar isla markaasna dhisay Wadooyin,Dhisme lagu kaydiyo

Shidaalka,Leeb lagu baadho shidaalka,Balse intaas oo dhan Aan Lasoo Xayaysiin Shirkadana aan tartan Loo Galin Sida uu Xildhibaan Maxamed Obama Sheegay yihiina musuq-maasuq u Baahan in Baadhis Lagu sameeyo,Shirkadaha Lagu wareejiyay Haamahana waxa uu tilmaamay in Ay yihiin Qaar Aan aqoon u lahayn Shidaalka.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama ayaa Gola waynaha ka Dalbaday in Ay gacantooda iyo Awooda Ay leeyihiin Ku Muquuniyaan Sharci darada Ay Xukuumadu Dantii Guud Kula Kacday.
– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=162807#sthash.ijEMLPwR.dpuf