“Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxaan Leenahay Reer Dhan Oo Deegaana Ah Ayaa Cadaaladii Dalka Ka Tirtirtay”….Qaar Ka Mida Mujaahidiintii SNM

0
Waxaan taas uga socdaa ninkan gudoomiyaha maxkamada sare waxaan leeyahay Xilkani waa xil xaga umada iyo xaga Ilaahayba ka weyn

Hargeysa(BGN) Qaar ka mida Mujaahidiintii Ururkii SNM oo maanta shir jaraaid ku qabtay huteel Hadhwanaag Ee Magaalada hargeysa ayaa Si Kulul Uga Hadlay Wax ka badal lugu sameeyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Hargeysa .

Shirkaa Jaraaid Waxa Si Wada Jira u Wada Qabtay  Cali Cabdi Cilmi (Cali Curi ) Iyo Mujaahid Ooto Biixi Caalim Ugu Horayin waxa halkaasi Ka Hadlay Cali Cabdi Cilmi (Cali Curi ) Waxaana Yidhi “Maanta waxaan ka hadlaynaa cadaalad Xumada ka jirta Somaliland Cadaalad Xumadaas oo qaranka, Halgankayagii iyo Xaga Alle Midna u Qalmin, waxaan leeyahay asalkii horaba dadku waa nolaa oo waa sii noolaanayaa, waynu ogayin Ninkii inugu dul botarin jirey ee Siyaad Barre Haduu markaa dhaqaale wax taraayo awoodi Wax

Tarayso Ninkaa Cidi Kama Awaad Badnyin oo kama dhaqaale badayin waana idin xasuusinayaa ee u fiirsada .Waxaan taas uga socdaa ninkan gudoomiyaha maxkamada sare waxaan leeyahay Xilkani waa xil xaga umada iyo xaga Ilaahayba ka weyn, cindigaagu siduu isugu Yidhi Reer dhan oo tiirdhaxaadka Somalilandna ka tirtir cadaaladii iyo maamulkii Maxkamadaha.

Waxa se kaga ciil la’ahy waxan waxa lagaaga soo yeedhiyaa Madaxtooyada oo caqligaagii ma yaal  maxkamada sare ee aad haysato waxan ku soo gabagabaynayaa Waa waxaad samaysay laakin waa wax adiga ku yaal.

Sido Kale Waxa Halkaa Ka Hadlay Mujaahid Ooto Biixi Waxana Yidhi “ Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxaan Leeyahay Anuu Dadkan Aad Maxkamada Gobalka u soo magacowday maaha dadkii u dhashay Gobalka Maroodi Jeex, dadkii gobalkan u dhashayna waad ka badashay bal halkaa cadaaladaad ka eeg waxaan aan leeyahay qabaail dhan oo hargeysa deegan ku ah ayaad Maxkamadii ka nadiifisay waxaan se is lahaa waxa uu noqonayaa cali jaamac haabil laakin se uma eegid .

Waxaan u Soo Noqanayaa  Dhinaca Dawlada Awalba Kalsooni iskumaynaan qabine oo waynu kala laaladnee, kala lulashadeeniina kala go ayaa imaan doona kalsooni aad naga heli doontaana ma jirto oo si cad ayaanu sheekh iyo shariif u shaacin donaa in aanu kalsoonidii kala noqnay Xukuumadan Haatan Jirta .