Qaar ka mid ah booyadaha ka dhex shaqeeya magaalada wajaale ayaa cabasho ka muujiyay waddo xumada ka jirta xaafadaha dhexdooda, iyaga oo sheegay in ay biyo ushubi kari la,yihiin xaafadaha bariga iyo Galbeedka magaalada wajaale taasina ay sobobtay wadooyinka oo gabi ahaanba xidhan.
geesta kale dadka dan yarta ah ee dagan xaafadaha bariga iyo Galbeedka magaalada ayaa ay la soo daristay xaalad biyo la aan kadib markii boyadihii biyaha u gaynayay oo meel ay umaraan wayeen wado xumada awgeed, hadaba cabashadan oo in badan soo noqnoqotay ayaa ay tahli kari layihiin maamulka dawlada hoose in ay wax ka qabtaan.
waxa intaa
dheer in daadadka roob xoogan oo xalay ka da,ay magaalada wajaale xidheen gabi ahaanba is ku socodka gadiidka iyo shacabka gudaha magaalada wajaale is la markaana sobobobeen in meelaha qaarkood biyo fadhiistaan suuqyada dhexdooda, kuwaasi xaaladii nadaafad darro ee hada ka horba jirtay sii xumayanaysa, hadaba maamulkii u xilsarnaa wax ka qabashada adeegyada arimaha bulshada ayaa iyagu ku mashquulsan arimo ugaar ah.waxa intaa dheer in intii maamulka cusub xilka hayeen ay sifo sharci darro ah u fasaxyeen baran dayaal sharci daro ah oo laga dhisayo wadooyinka dhexdooda, iyaga oo bilicda magaalada ka door bidaya lacagaha laaluushaka ah ee uu k qaado xoghaya fulintu iyo Gudoomiyuhuba dadka dhisanaya baran dayaasha sharci darada ah.
Dhanka kale waxa shacabka ku dhaqan magalada wajale layaab ku noqotay hab dhaqanka cusub ee ay la yimadeen maamulku iyada oo ayna suura gal ahayn in wax cabasho ah haba yaratee loo gudbin karo iyaga. sobobtoo ah ma ogolo in xafiiska maamulka dawlada hoose cidiba soo hor istaagto, waxaana la dhigay irrida hore ilaalo amar lagu siiyay in ruux ka baxsan shaqalaha uuna soo dayn Karin .
Waxa sidoo kale gabi ahaanba shaqada subaxii kaba soo xaadirin xoghaya fulinta dawlada hoose isaga oo dhigtay xoghayn ugaara xafiiskisa.
Arintan ayaa shacabka ku dhalisay nacayb iyo shaki wayn oo ay u qaadeen guud ahaan xukuumada iyo xisbiga kulmiye ee talada haya oo ay hada Ka hor si laxaadle u taageeri jireen codkoodana ku soo baxay, maadaama dawladii hoose ee matalaysay una xilsaarnayd bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ay fadhiid noqotay, waxa sidoo kale loo dhegtaagayaa bal sida ay ka yeeli doonto xukuumada sare gaar ahaan wasaarada arimaha guduhu wax qabad la,aanta iyo masuulyad darada soo shaac baxday ee maamulka dawlada hoose ku sifoobay.
Waxa xusuus mudan in mudo shan bilood laga joogo xilka loo magacabay maamulkan ilaa hadan ay dhaafi kiri la,yihiin khilaafyada udhaxeeya Gudomiyaha iyo xoghaya fulinta. iyadoo lagalay xili Robaadkii Guga oo ka curtay Togwajaale iyo deegaanada ku teedsan waxa laga cabsi qabaa inuu ka dilaaco xanuunka Dacuunku calooleed nadaafad xumo awgeed