Daawo Muuqaal:-“Xukuumaddu Isku Heli Mayso Aanu Wax Qalano,Midiyahana Aanu Qarsano,Balse Wasiirka Ganacsiga Eenu Xaqiisa U Doodaynay……..Xildhibaan Xoog

0

Hargaysa(HWN)Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada ganacsiga oo Waxba kama Jiraan ku sheegay Golaha Wakiilada oo Cod aqlabiyad Ah ku diiday in Shirkado Gaar Ah lagu wareejiyo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera,isaga Oo qoraalada Madaxtooyada looga Soo dhiibayna Waa Sida uu Tilmaamay Qaar Aan wasiirka Anfacayn.

Xoog oo warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyay inaanay Xukuumadu heshiisyada caalamiga ah haday noqoto Macdanta,Haamaha Shidaalka Wareejintooda Hor keenin Golaha Sharciga u leh,waxaana uu tilmaamay in Ay golahu Inta Xukuumadu u hadhay ay ku ilaalin Doonaan Sidaanay u Xaraashin Hantida umada,Heshiis kasta oo Ay gashana Laali Doonaaan.

Geesta kale Mar uu ka hadlayay Lacaga Musuq-maasuqa Lagu Sameeyay iyo Hantida Badan ee Sidaan sharciga

ahayn Loo lunsaday waxa uga meel yaala Golaha Wakiilada inuu yahay In ay Fiiro Gaar ah Xukuumada ku eegi Doonaan,isaga oo cadeeyay in Ay golahu Shirkadaha Mac-malka Ah ee Hantida umada lagu wareejinayo Ay ka Hortagi Doonaan.