Midawga Yurub Oo Tageeray Go’aanka Maxkamada,Afhayeenka Guurtida Oo Amaanay Iyo Sewden Oo Xafiis Hargaysa Ka Furaysa.

0

Hargaysa(BGN)Afhayeenka Guurtida Somaliland Cabdi Qaadir Maxamed Xasan Indho-indho ayaa Soo dhaweeyay Siday midawga Yurub u Tagereen Go’aankii Maxkamada Sare ee Dastuuriga Ahaa,waxaana uu Cadeeyay in loo baahan yahay in Lagarab istaago.

Dalalka Somaliland Ka tageera Dhinaca Dimuq-raadiyada iyo Doorashooyinka Ay Kulan Ay hargaysa ku yesheen ku cadeeyay in Ay tageersan yihiin Go’aankii Maxkamada Sare,Halka ay Dalka Sweden Hargaysa Xafiis ka Furanayso.

Afhayeenka Guurtida Oo hadhwanaagNews La Soo xidhiidhay waxa uu Tageeray Siday Go’aankoodii Maxkamada Sare Sharciyaysay Ay iyaguna u Ayideen waxaana uu yidhi.

“Cid kasta oo Somaliland Sifo sharciga waafaqsan wax u siinaysa waanu tageeraynaa,Kuwan iyaguna Komiishanka Doorashooyinka Caawiya


Mar walba waanu u baahanay Caawimada Ay Siinayaa Somaliland,Abaalna waanu u haynaa,anaguna ka Guurti ahaan waanu Soo dhawaynaynaa Madaama oo Ay Tagereen Go’aankii Guurtida Ee Maxkamaduna Sharciyaysay.
Afhayeenka Guurtida waxa uu amaanay Kaalinta Ay somaliland kaga jiraan Beesha Caalamku Iyo siday Dib u Bilaabeen Caawimadii Ay Hakada Yara Galiyeen Markii Khilaafka Muddo kordhinta Yimida Iyo Siday u tagereen Go’aankii Ay maxkamadu ku dhawaaqday.

Cabd Qaadir Maxamed Xasn Indho-Indho waxa uu soo dhaweeyay Xafiiska Cusub ee Sweden Hargaysa ka Furanayso Taas oo ku sheegay marka ay Aragtay Nabada Somaliland iyo Halka ay Dumuq-raadiyada ka gadhay in ay ku Dhiiratay in Ay Xafiis Hargaysa ka Furato waxaana uu yidhi.

“Xafiiska Cusub ee Ay Hargaysa ka Furanayaan waanu soo dhawaynaynaa,waxaana keentay Sida Wanaagsan iyo Xidhiidhka Soo jireenka Ah ee Aynu kawada shaqayno Dawladaasi,taas oonu ku amaanayno Kaalinta Muuqata ee ay Somaliland gaadhsiiso,dawlada ingiriiska waxaan u aqaan dawladii markii aanu baahnayn eenu fadhinay boorama Lacaga wanaagsan Nasiiyay.

Waxa uu Amaan U diray Komiishanka Doorashooyinka ee Ku hawlan Sidii Gobolada Bariga Somaliland Doorasho Ay codeeyaan uga Dhici lahayd iyo bisaylka Siyaasadeed ee ay muujiyeen Wakhtigan isaga oo ku guubaabiyay in Ay u dhabar Adaygaan hawsha ay Hayaan.

Geesta kalena Qaadhaan-bixiyayaashu kulan k yeesheen shalay Hargeysa kadib markii ay soo gaadheen qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyaha ka ah Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu gorfeeyey Marxaladda Doorashooyinka Somaliland, waxaanay go’aansadeen inay taageeraan Go’aanka ka soo baxay Maxamadda Sare ee dastuuriga ah.

Qaadhaan-bixiyayaasha oo markii hore ku kala aragti duwanaa go’aanka Maxkamadda Sare oo Ayiday Go’aankii Golaha Guurtidda ayaa shir isugu yimi Hargeysa labadii maalmood ee u danbeeyey gaar ahaan kooxda ku midawday taageerida Doorashooyinka Somaliland kuwaas oo isla meel dhigay in la garab istaago si kasta oo ay Doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Dhinaca kale waxa shalay magaaladda hargeysa soo gaadhay sida wararku sheegayaan wefti ka socda Dalka Sweden, kuwaas oo sida wararka laga helayaa sheegayaan in ay dawladaasi wado Hindise ay Somaliland kaga furanayaan xafiis rasmi ah.

Talaabadan haddii ay dhab noqoto waxay Somaliland u noqonaysaa Guul dublamaasiyadeed oo taageerta dalalkii xafiisyada hore uga furtay sida Denmark, Itoobiya, Turkiga, Jabuuti oo iyana dhawaan safiir soo magacawday Somaliland iyo dalalka kale ee xidhiidhka tooska ah la leh Somaliland.

Midawga Yurub oo ka mid ah daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka ayaa ka gaws-qabsaday taageerada Go’aanka Golaha Guurtidda iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, hase yeeshee waxa uu u muuqdaa in uu ka soo dabcay sidii hore.