Ganacsadaha carbeed ee Xoolaha dhoofiya oo Qorshaystay in uu Xidho Macjarada xoolaha dhakhtariya e ku yaal Berbera, warqad qarsoodiya oo uu u Diray wasaarada xoolaha iyo Beerhah ee sacuudiga o la Helay ayaa Iftiimisay

0

Labadii Maalmood ee u danbeeyay waxa soo baxayay wararka Sheegaya Ninka carbeed eek a ganacsada xoolaha Lana yidhaa al Yaasir oo Weerar cadaana Ku qaaday macjarada xoolahu ka dhoofaan ee Magaalada Berbera, Khaastan macjarkii u danbeeyay ee laga furo Berbera kaaas oo ay leeyihiin Midawga ganacsatada Xoolaha dhoofisa e Somaliland,
Waxaana gacanta lagu soo dhigay warqad qoraala oo uu u qoray wsaaarada beeraha iyo xoolaha e dalka sacuudi carabiya, warqadaas ayuu Ku Sheegay in uu Khatar Ku jiro amniga mandaqada Geeska afrika iyo ka sacuudiguba, waxaanu intaa ku daray in Khalkhal nabadgalyo xumo uu abuuray macjarkaas Cusubi,
Hadaba Sida taariikhda Ku cad Ninkan carbeed ee la yidhaa Al Yaaasir waa Ninkii shanta sano ay u Xidhnaayeen Dhoofka Xooluhu Isagoo ka rarai Jiray dekada jabuuti, Waa Ninkii ay Kusoo baxday kalmada Kooto, Xiligaasi oo uu Albaabada u xidhay xoolihii ka dhoofi Jiray Berbera, Boosaaaso IWM waxaanu Macjaro ka Furtay magaalada jabuuti,
Aan dib Idiin xasuusiyo e xiligii aljaabiri Ku guulaystay in uu Macjar ka samaysto Berbera xayiraadiina kazoo qaado xoolihii soomaalida ee dacaayada lagu xayiray waxa uu alyaasir Isna macjaro ka Furtay Berbera iyo Boosaaso, Sidoo kalena waxa uu Macjaro ka Furytay xamar iyo Jigjiga isagoo Intaaba daba socday in uu Mar uun jaans danbe u Helo siduu uu kooto Danbe u heli ;lahaa magaalada jabuutina uu Xoolaha Uga rari lahaa
Siyaasda uu ku Shaqaynayaana waxay tahay in uu xayiro dhoofka xoolaha guud ahaanba mandaqada soomaalidu degto,

Waxaany wararka xog,ogaal ahi sheegayaan in ganacsadaha aljaabiri uu kadaba qaatay warbixintaa qaldan ee uu al yaasir ka Bixiyay macjarada Berbera isagoo qaarkood Gacan saar La Leh ,waanu ku Beeniyay Siday wararku sheegayaan, Isagoo sacuudiga u xaqiijiyay in Somaliland ay tahay mandaqad nabada oo ganacsigeedu xor yahay wax amaan daro ahina aanay ka jirin,
Wixii Warara ee danbe ee Soo baxa waan Idinla Socod Siin doonaa,

Wariye Yassin jama ali
Berbera