Madaxweynihii Hore Ee Kenya, Oo Daaha Ka Feyday Siyaasad Sir Ah Oo Ay Wadamada Jaarka La Ah Soomaaliya Ay Ku Diidan Yihiin Midnimada Soomaaliya

0
 

Washington-(BGN)- Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya, Daniel Arab Moi, ayaa mar kale daaha ka feyday in wadamada deriska la ah Soomaaliya, ay aanay doonayn nabad ka hana-qaada Soomaaliya, waxaanu kashifay ujeedada siyaasadda qorsoon ee sirta ah ee ka danbeysa in wadamada jaarka la ah Soomaaliya aanay doonayn Soomaali midaysan oo nabad ah oo cagaheeda isku taagta, sidaana waxa uu ka sheegay khudbad sharafeed lagu soo maamuusay oo uu dhawaan ka jeediyay Jaamacadda Difaaca ee dalka Maraykanka (The American Defence University) oo ku taalla magaalladda Washington DC. .

Daniel Arab Moi, waxa uu xusay in dalalka deriska la

ah Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia, ay ka baqdin qabaan hadii Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto oo ay nabad noqoto iyo dib midaynta Soomaaliya, in ay hordeedayso xusuustii soo celintii midnimadii Soomaali weyn iyo sheegashadii ay Soomaaliya sheeganaysay xuduudaha ka maqan Soomaaliya, ee imika ka mid ah dalalkaa Jaarka la ah Soomaliya, waxaanu yidhi

“Caqabadaha hor-taagan dadaalka xasilinta nabadda Soomaaliya waa iyada oo ay dawladaha Gobalka rumeysan yihiin haddii ay Sooomaaliya cagaheeda isku taagto inay dib u soo xusuusan doonaan waxa ugu yeedhaan dib u soo celinta riyadii ahayd Somali-weyn”.ayuu yidhi Daniel Arab Moi.