Hambalyo Furitaanka Maxjarka Sadexaad Ee Berbera

0

Waxan halkan maanta aan qalinka u qaaatay in aan kaga hadalo maqaalkaygan kooban furitaanka maxjarka cusub kaas oo ay ku bahoobeen ganacsato reer somaliland ah. Ganacsatadan oo ah ganacsatadii markii horeba ka ganacsan jirin dhoofitaanka xoolaha.ayaa waxay sheegeen in maxjarkan oo faaiidada ugu wayn furitaankiisa ay tahay in la helo maxjar  ay u siman yihiin dhamaan ganacsatada ka ganacsata dhoofka xoolaha. Waxaa kale oo ay ganacsatadani Cadeeyeen in ay suuqyo cusub oo aan hore u jirin in xooleeheena nool loo dhoofiyo arintan oo ay kaga duwanaan doonaan maxjaradii hore u jiray

Hadaba ka hor intii aan la furin maxjarkan cusub waxàa ka dhici jirtay oo ay

caan ku ahaayeen maxjarada hore in ay cid gooni ah loo xidho maxjarada iyo iyado aan loo cadaalad samyn jirin ganacsatada iyadoo cid gaari ahi ay ku amar la taaglayn jirtay maamulka maxjardaasna ay siday doonan ay kayeeli jireen ganacsatadan yar yar ee xoolaha dhoofinaysa laguna cidhiidhin jiray saarista xoolaha la saarayo maraakiibta lagana hormarin jiray dad gaara ah. iyadoo waliba lala eeganayo moosinka xajka. Hadaba iyadoo ganacsatadan ku bahoowday maxjarkan cusub kana duulaya arinkaas waxay dedaal dheeri ah u galeen oo ay go’aansadeen furitaankan maxjarkan una siman yihiin dhamaan ganacsatada reer soomaliland.Maxjarkan cusub oo dhismihiisu soconaayey mudo hal sano iyo badh ah Kaas oo intee uu soconaayey dhismihiisu ay carqalado badan soo wajaaheen iyadoo la adeegsanyoo sifo walba oo lagu joojinaayo dhismaha maxjarkan cusub.

Hadaba taas waxaa u dhabar adaygay oo dedaal iyo juhdi dheer iyo ka midho dhalin hadafka ay lahaayeen ganacsatadan ku bahowday maxjarkan cusub oo ah in ay furaan maxjar ay ganacsatada reer soomaliland ka dhoofsadaan  xoolahooda kaas oo u cadaalad falayaa ganacsatad kana raysanaya  dhibkii iyo cadaalad la’aantii  ka haystay maxjaradii ay xoolahooda ka dhoofsan jireen

Waxaana si rasmiya loo furay maxjarkan oo ah kii sadexaad  kana dhoofeen labadii bilood ee u danbeeyey dabayaqadoodii Laba Markab. markiibtaas oo uu ugu horeeyey Markab lagu Magaacbo MV TRUST 1 qaadayna xoolo gaadhaya 20.000 oo neef. Iyo Markabka kale oo isna qaaday Xoolo isugu jira Adhi iyo geel tiradooduna dhamayd 18000 oo neef oo adhiya iyo 215 neef oo geela ah. Labadan markab markii ay gaadheen ee lagu soo xidhay dekeda Saudi Arabia ee Jeddah lana hubiyey caafimaadka xoolaha iyo Documentiga ay ay xoolaha ku dhoofeena ay haayeen mid wafaaqsan shurucuuda wasaarada xanaanada xoolaha ee dalka sucudiga lana dejiyey dhamaan xoolihii saaran Markabka. Maxjarkan oo ay u dhameystiran yihiin Dhamaan adeegiii lagu socodsiin lahaa hawlahaas balaadhan .

Ta labaad waxaa ka helay furasado shaqo dhalinyarada reer Somaliland oo gobol walba ka soo jeeda taas oo yarayn doonta inshalah tahriibka, Waxaa ka hawl gala ilaa 50 dhakhatiira oo isugu jira ajaanib iyo dhakhaatiir reer somaliland oo ka tirsan wasaarada xanaanada xoolaha ee J/Somaliland ah iyo ilaa 350 qof oo shaqaale ah xirfadle iyo muruq maalba.

waxaa ku bahoobay nimana aqoonyahano ah una badan ganacsato kuwaas oo dareemay baahida loo qabo maxjarkan.

Waxaa maxjarkan loogu talo galay inay xoolahu ka helaan Daryeel, Caafimaad, Baad, Nasasho, Biyo iyo weliba in la hubiyo caafimaadkooda
Maxjarkan oo ah maxjar ganacsiga xoolaha soomaliland wax badan ka tari doona ka ganacsiga xoolaha nool si wadamada inaga qaata xoolaha ay u aaminaan sharciyada iyo caafimaadka xoolaheena,

waxa kale oo ay ganacsatadani sheegeen in ay furi doonan suuqyo cusub oo aan hore u jirin. iyadoo ay dawlado horlihina  xoolaha inaga qaadan doonan inashalah mustaqbalka dhow
Waxaa kale oo aad mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaan xukumada jamhuriyada Soomalilan gaar ahaan madaxwaynaha iyo wasiirkiisa xanaanada xoolaha, iyo Dhamaan cidii ka soo qaybqaatay dhimaha maxjarkan. Waxaa kale oo ay sheegeen in maxjaradii hore inoo markii horeba ay la shaqayn jireen dhibkay doonan ha ku qabeene

imikana ay la shaqayn doonaan saxiibo dhawna ay yihiin maamulada labada maxjar kana qaadanayna wixii talo iyo tusaaleba, waxaan ay sheegeen ganacstadani in ay la shaqayn doonan cidkasta oo ku hawlan hawlaha dhoofka xoolaha.

 

Mohamed Farah

Berbera Somaliland