ma runbaa In xaruntii haamaha shidaalka berbera la wareejinayo,Madxwaynaha somalilan ayaa Total ka qaady sanadkii 2010 kii, Maxaa kalifay In Dib Loogu Celiyo gacan Shirkadeed, Maxyse Xukuumadu ka faa,iidaysaa Wixii gacanteeda Ugu jiray oo gacan kale gala,y,

0

BERBERA(BGN)-Iyadoo koox Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Wakiiladdu ay ka digeen dhaxal wareejinta Haamaha kaydka shidaalka iyo Dekedda Berbera, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in todobaadkan la sameeyay shirkad loogu talagalay in lagu wareejiyo haamaha kaydka shidaalka.
Dhawaan ayay soo baxeen wararka sheegaya in haamaha lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana waxa warkan ka hadlay oo sii bayaamiyay qaylo dhaan ka soo yeedhay Xubno ka Tirsan golaha Baarlamaanka somaliland , Inkastoo ay horeba u jireen shirkado shidaalka ka ganacsada oo la tilmaamo inay baddidooda saamiyo ku leeyihiin xubno golaha xukuumadda ka tirsani, haddana waxa haatan isa soo taraya wararka iftiiminaya abuuritaanka shirkado cusub oo diiwaangelintooda iyo sharciyayntooda la waday Wiigagii Ugu danbeeyay. Hadaba wargayska Ogaal ayaa dhwaanta Helay Ilo Xog ogaal oo Tooshka ku qabtay shirkado Cusub oo la Doonayo Inay saami ku yeeshaan kana qayb Noqdaan Shirakadaha lagu wareejinayo xarunta haamaha shidaalka berb. Waxaana Xogtaasi Shegaysaa in Mudo Ka badan 25sano u Heshiisku Noqonayo inj ay Maamulaan xarunta haamaha shidaalka Berbera, Laakiin Ilaa Iminka lama Oga cadadka lacagta ah e xukuumadu ka qaadi doonto Shirkadahan oo tiradoodu dhan tahay Todaba shirkadood,

Hase yeeshee tibaaxahaa ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaa oo sugaya xaqiiqadda jiritaanka wararkaa. Dhinaca kale qorshahan cusub ayaa dadweynuhu si wayn uga Biyo Diideen diideen, isla markaana dadka reer Berbera, gobolka Saaxil iyo guud ahaan waxgaradka Reer Somaliland,
Isku Soo Duuboo sanadkii 2010 kii ayay ahayd markii madaxwaynaha Somaliland uu ka qaaday Shirkadii total maamulkii haamaha shidaalka Berbera, Waxaana siwayn Loo Xusi karaa Isbedlka Muuqda ee Muudadaa Ku Yimid xarunta haamaha shdaalka Berbera oo Noqotay Il Dhaqaale xoogani kazoo baxo, Mida kale waxa Toos Looga xukumayay madaxtooyada Somaliland oo gacnta Ku haysay shantaa sano e Ugu danbaysay, Bal Iswaydii akhriste sabata Keenaysa in Xukuumadu in ay Cid u dabo fadhiisato Wixii gacanteeda Ku Jiray, Waa Su,aal da,waynoo Madaxaaga daalinaysa e,
Waxa cajiiba hadii dawladu wareejiso Goobaha Ilaha dhaqaalaha u ah oo ay Cid u daba fadhiisato Sidee xaalku Noqonayaa,

Wariye Yassin Jama ali
BERBERA