Cali Khaliif Galaydh Oo Weedho Calaalla Kaga Hadlay Safarkii Xagla-toosiye, kana hadlay Weetayntiisa

0
Hargaysa(BGN):-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay Socdaalkiisa uu dhawaan ku yimi magaalada Buuhoodle,halkaasoo uu ka saaray sida la sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo kaashanayey Shacabka magaaladaas oo uu toddobaadkii hore booqasho ku tegay markii Galaydh soo gaadhay halkaas ee uu habeen iyo maalin ku sugnaa ka dib.

Prof: Cali Khaliif Galaydh oo ah Madaxweynaha Maamulka la baxay Khaatumo State, waxa uu sheegay in Xaglo-toosiye caado ka dhigtay marka uu magaaladaa yimaaddaba inuu isaguna tego, balse waxa uu sheegay inuu Riwaayad Buuhoodle la tago Xaglo-toosiye, taasoo uu rabo Maamulka Somaliland ee Hargeysa ka dirayaa inuu daawado dadkiisana daawadsiiyo sida

uu hadalka u dhigay.Hase-yeeshee, waxa uu Siyaasi Galaydh ku dooday inuu yahay nin reer Buuhoodle ah, isla markaana Hanti ku leeyahay Eheladiisa Hooyadiis ugu horreysanaa deggan yihiin magaalada Buuhoodle, sidaa aawadeedna aanay jirin cid uu u marayo iyo cid uu uga fasax qaadanayaa toona, balse markasta oo uu doono isagoo shaqsi ah iyo isagoo Madaxweynaha Khaatumo ahba uu tegi karo oo uu tegi doono Buuhoodle.

Cali Khaliif Galaydh oo markii Buuhoodle uu ka baxay toddobaadkii hore tegay deegaanka lagu magacaabo Balli-cad oo isla gobolka Cayn ka tirsan, ayaa waraysi gaar ah siiyey Telefeshinka Somnews, kaasoo aan sheegin ta ay tahay goobta rasmiga ah ee uu waraysigan ku bixiyey ama ay kula kulmeen Mr. Galaydh. Balse waxa uu Waraysigaa kaga hadlay arrimo badan oo kala duwan oo hawlaha Maamulkiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Federaalku ugu horreeyo.

Waxa uu sidoo kale kaga hadlay waxa Khaatumo uga qorshaysan Masuuliyiinta ka tirsan Maamullada Somaliland iyo Putnland ee magaalada Buuhoodle sida is-daba-joogga ah Safarrada ugu taga, kana wada kacdoonnada ay Shacabka reer Buuhoodle ku soo jiidanayaan, Mustaqbalka Maamulkiisa iyo qodobbo kale oo la xidhiidha, ayuu kaga hadlay waraysigaas.

Haddaba, Waraysigaas uu dhinacyada badan kaga hadlay Madaxweynaha Maamulka la baxay Khaatumo State Prof: Cali Khaliif Galaydh oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena Raysal-wasaare uga soo noqday Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaannu isagoo dhammaystiran Waraysigaas Prof: Galaydh idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-