Dhex joog …… Waa:Qalinkii Baxnaan xaaji aden diiriye –

0

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaalo

dhqankoodo mid maaha. Dhaliil la iskama qaato

dhafoor taabasho weeye.dhibtana la iskuma eego

daily way kaftamaan.Hadana la isma dhegaysto

Dhoohanaatahay waalan iyo  adaa dhoocil ka liita

Warkoodaa ku dhamaadee kaalay oo bal dhegayso.

Dhaqane:Hagerisadan dadna kimistii la`yahay ,dadna coca cola ku waysaysanayo waa yaab.Sh Aden siiro wuxuu yidhi:Hargeisa oo ka faqiirka ah iyo ka taajir ahi isku raashin cunaan baan garanayaa.Waa runtii.

Dhaashane:Hargeisi sow caalamka la mid maahoo intaa is bedeli mayso?Ma hargeisadii aad taqaanay uun bay ahaanaysaa?

Dhaqane:Adeer 2009 kii wixii ka dambeeyey wixii Hargeisa soo galay kaadhadh gooniya ayaanu u samaynaynaa la soco.

Dhaashane:Waar horta adigu ma afhayeenka danyartaad

tahay?Yaa shaqadan aad hayso kuu dirsday?Dhaqane:sowtaan hore kuu idhi:

Walee  qalin daraalaha dulmi qaranka

Laga galay kama qariyo wadhatada.

Dhaashane:Dee waayee luuqa ha raacine si toos ah ula hadal madaxtooyada.

Dhaqane:Sheekaan kuu hayaa dee:Beri baa Magaalada Hargeisa waxaa ku dhex yaalay hudheel hilible ah.Ninka hudheelka leh waxaa la odhan jiray ,Jacfaan.Inamada hudheelka ka shaqeeyana waxaa la kala odhan jiray:Jaanjaan,Jacjacoor ,Sawir jin iyo dhex joog.Imika bal inta kale garanee waxaad ii sheegtaa dhex jooga madaxtooyada.

Dhaashane:Car hadaan ninkaa si fiican u aqaan kolay wuxuu u jeedaa ,madaxweyne ku xigeenka ama Ina geeljire.Adeer waa kee?

Waa:Qalinkii Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden