Qoys Reer Somaliland Ah Oo Meydadkooda Laga Helay Sanca Iyo Soomaalida Oo Muddaharaad Qaban-qaabinaysa

0

Sanca(Biyo Guure News.com)- Qoys ka kooban afar qof oo Soomaali ah, gaar ahaanna u dhashay Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa in lagu sumeeyay magaalada Caasimadda waddanka Yemen oo ay degganaayeen, waxaana halkaas ku dhintay laba ka mid ah Qoyskaasi geeriyoodaan, halka labadii kalena Cusbitaal ku yaal magaaladaas lagu dawaynayo.
Axmed Cabdi Aadan oo ah Suxufi Soomaali ah oo madax-bannan, isla markaana ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa u xaqiijiyay Shabakadda wararka Englishka ah ee Somaliland Monitor iyo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, inay halkaas ku geeriyoodeen 2 ka mid ah Qoyskaas oo kala ahaa Aabbaha Qoyska oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Diiriye Xasan kuna magac dheeraa Googaar iyo Xaaskiisii, halka ay ku dhaawacmeen Suntaasi laba Hablood oo uu dhalay Yuusuf Googaar, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaal ku yaal Sanca.
Weriye Axmed Cabdi oo ka warramaya siday wax u dhaceen, ayaa sheegay in suabaxnimadii Salaasada (August 8) ahayd ee lasoo dhaafay laga war-helay dhibaatada ku habsatay Qoyskaas, halkaas oo Gurigooda ku yaal Xaafadda Cadamiya ee magaalada Sanca laga helay Yuusuf Diiriye Xasan (Googaar) iyo Xaaskiisii oo Meyd ah iyo dhaawaca labadooda Halood oo miyir-doorsoon.

 

 
Labada Gabdhood oo la kala yidhaahdo Samasam Yuusuf Diiriye oo dadeedu tahay 19 jir iyo Amal Yuusuf Diiriye oo da’deedu tahay 18 jir, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka Mustashfa Dowli Al Xadiis oo ku yaal magaaladaas Sanca. Weli Meydadka labada Marxuum lama aasin, ee waxaa ku socda baadhitaan ay Dhakhaatiirtu ku wadaan si loo hubiyo sababta keentay dhimashadooda iyo sakaraadka labada Gabdhood ee ay dawayntooda la wado.
Waxa kale oo Weriye Axmed Cabdi in Marxuumka geeriyooday ee Yuusuf Googaar uu ahaa mid caan ka ah wadanka Yemen, isla markaana wax badan u qabtay Soomaalida ku nool waddankaas, lana soo shaqayn jiray Hay’ado Caalami ah oo ka shaqeeya Samafalka sida Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR iyo kuwo kale.

 
Axmed waxa kale oo uu sheegay inaan wali war rasmi ahi ka soo bixin baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in la sumeeyo qoyskaa, laakiin ay jiraan tuhuno lala xidhiidhinayo inay falkaasi ka dambeeyeen, sida hayada lagu magacaabo IDF oo marxuumka is dacwaynayeen, islamarkaana laba nin oo aan haybadooda la aqoonsani ay u dhaceen guriga marxuumka kana qaateen laptop marxuumku lahaa.

 
Waxa uu sheegay in Soomaalida Sanca ku nool ay werwer badan ku keentay arrintan loo malaynayo in la sumeeyey Qoyskan, isla markaana waxa uu xusay inay qaban-qaabinayaan Muddaharaadyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Masiibada Qoyskaas ku habsatay, kuna dalbanayaan in natiijo xaqiiqo ah ay Dhakhaatiirtu ka soo saaraan baadhitaankooda, si deg-deg ahna wax looga qabto haddii ay caddaato in cidi sumaysay.