Saxaafaddu uma Baahna Calooshiisa u Shaqayste Jaahil ah!! Cabdicasiis Bashiir Nuur Qormadii 2aad

0

 Inkastoo ujeedadaydu ugu-weyn ee Maanta aanay ahayn inaan Bulshada Iftiimiyo ama u kala Saafo sharciyadda ama’se  Xaaran iyo Xalaal jiritaanka Solja midka la odhan karo, hase-ahaatee waxa dulucda qoraalka Daaran-yahay in Bulshadu kala garaato Keligii Haan-laha iyo kan uu daacadda ah.

 

Waxa soomaaliddu ku maah-maahda Abaas-kuul meel ma wada-joogto warna iskuma seeggana, waxa ta ka dhigan xubnaha iska dhigayaa inay yihiin dad Birma geydo ah oo saxaafadda oo lexoojeclo ka qabba. Hase-yeeshe shaqsiyaadkaasu waxay hal-maameen in Bulshada reer Somaliland anay Maanta Joogin halkii saggaashanaadkii la maraayey, Balse Maanta Horumarka dunidu gaadhay awgii Adduun-yadu Tuulo noqotay, sidoo kalena, aan sheqsi iyo koox midkuu doone ha noqdee  wax qarsoomi karaa anay jirin.

Sidaas darteed inaamadda ku hodmay Saxaafadda iyo kuwa daaraha ku helay, sidoo kale, kuwaa aan waxba hayn ee Himiiladoodu gudashada Waajibaadka mihnadda, waxay ila tahay In Shacbigu kala yaqaan. Siyaasiyiinta  iyo Masuuliyiinta Xilalka hayaana ay kala og-yihiin Mistawaha iyo Meeqaamka ay kala joogaan kuwa Saxaafadda Bayac-mushariga ka dhigtay iyo kuwa kale labadaba… La soco.. Qaybaha danbe…

W/Q

Cabdicasiis Bashiir Nuur

Hargeysa/somaliland