Madaxwayne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Kuwait.(SAWIRO)

0

Hargeysa(BGN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxaned Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday dalka kuwait oo uu hogaaminaayey madaxa hay’adda samofalka kuwait fan oo uu hogaaminaayey Sacad Al Cuyabi oo madax u ah in ka badan afartan dawladood.

DSC_0028

mudadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay’adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka ee Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee galbeedka iyo waqooyiga dalka.

waxaana markii shirkaasi laga soo baxay sidaa warbaahinta u sheegtay maareeyaha xafiiska samofalka.

DSC_0027

madaxa waftigan kuwait fan sacad al cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay’adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay’adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga hargaysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.

DSC_0040

Gebagebdii waxa uu madaxwaynaha uga mahad celiyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.

DSC_0013