Daawo: Dekada Cadan Oo Dib U Bilowday Hawlaheedi Markabkii Ganacsi Ee Ugu Horeeyayna Ku Xidhay

0
Adan, (BGN/AFP):- Dekada ugu wayn dalka Yemen ee Magaalada Cadan ayaa mar kale dib u bilowday shaqadeedi, ka dib markii laga xoreeyay maleeshiyada Xuutiyiinta ee hore u qabsatay, waxaana sida wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ku warantay, ku soo xidhay, markabkii ugu horeeyay ee ganacsi.

Xuutiyiinta ayaa xoog lagaga saaray, magaalada Cadan oo caasimadd u ah koonfurta dalka Yemen, waxaana maamulkeeda dib ula wareegay, ciidamada daacada u ah madaxweynaha dalkaas iyo isbahaysiga carbeed ee Sucuudigu hogaamiyo oo taageerayay.