Hargaysa: “Madaxtooyadu Saddex Qodob Oo Dabar U Ah Booliska Ayay Nagu Soo Celisay ” … Xildhibaan Siciid Gaane.

0

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa dhaliilo u soo jeediyey  Xukuumadda waxayna ku dhaliileen inay qeyb ka ahayd dib u dhaca Doorashada, in Saddex qodob oo ku jiray Xeerka Booliska oo muhiim ahaa inay dib ugu soo celisay Golaha, halka Golaha Guurtida ay ku eedeeyeen inay xilkoodii iyo waajibkii loo igmaday gudun kari waayeen.

Xildhibaanadan oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay Xeerka muranka dhaliyey ee Golaha Wakiilada, waxaana ugu horeyn hadalkiisi bilaabay Xildhibaan SIciid Warsame Ismaaciil (Gaane), waxaanu yidhi “Reer Awdal xaq ayey u lahaayeen inay Golaha ka baxaan, waana soo dhaweeynayaa tabashadooda, in wax laga

qabtana waa lagama maarmaan, sida cadna boqolkiiba todobaadkan Golaha Wakiiladu waa beesha dhexe, halka beelaha kale ee darafyadu ay aad ugu yar yihiin, waxaana haboon in saamigooda ay helaan”.XIldhibaan SIciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Khalad ayey ahayd in Sagaal Xubnood oo Guurtida ka tirsani ay Madaxweynaha si gaar ah ula kulmaan, sheegaana inay ka diideen dalabkiisa, waxa Madaxweynaha u haboon sharciyana ah inuu si guud ula kulmo Guurtida, waxa kale oo run ah inay Guurtidu Dastuurkii ka talaabsadeen, iyagu walibana door muhiim ah ka qaateen khilaafkii siyaasadeed, haddii aanu nahay Golaha Wakiiladana waa qasab in aanu sameeyno xeerkii lagu soo dooranaayey, inay iska fadhiyaan maaha meeshe”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey amaanka ayaa yidhi “Xeerkii Booliska ee aanu Madaxtooyada u gudbinay, Saddex qodob oo aad u muhiim ah dabarna u ah Booliska ayey dib noogu soo celiyeen, oo ay nagu yidhaahdeen ka soo saarana, Saddexdaas qodobna waxa ay kala yihiin 1-In Boolisku haddii ay u tagayaan dad bilaa hub ah in aanay wax hub ah sii qaadan, 2-In haddii masuul sare ama Taliye Boolis si khaldan u fikiro, oo halkaas dhibaato ka dhacdo in isaga lala xisaabto, 3-In la sameeyo Guddida Cabashada oo ka kooban Garyaqaano, Aqoonyahano, Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, Saddexdaas qodob oo aad iyo aad muhiim u ahaa ka saara ayey yidhaahdeen, markaas in Xukuumaddu dhibka iyo amaan darada ka qayb qaadato, maaha, waxaana run ah mararka qaarna dhacda in Booliska laftooda laga cawdo, markaas haddii la  yidhaahdo yaanay jirin meel loo cawdaa miyaanay dhib ahayn”.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal ee ka baxay Xeerkii saami qaybsiga ee khilaafka abuuray, ayaa isna dhankiisa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Madaxweynuhu markii hore warqad codsi ayuu Maxkamadda u gudbiyey, oo ah inay tafaasiil ka soo bixiyaan qodobada uu u gucbiyey, tafaasiishina waxa ay iska noqotay go’aan, laakiin qaabikii loo doonayey muranadaas sharciyeed ee Golaha Guurtida ka yimid inuu yidhaahdo Maxkamaddu ha ka garnaqdo may noqon, waxaana ceeb iyo wax lala yaabo ah in Madaxweynaha oo marar badan yidhi  Saacad la igu dari maayo muddo xileedkii la Ii doortay, waxaana la isticmaalayey oo Xukuumaddu isticmaalaysay wax walba oo muddo kordhin keeni kara, taasina wey dhacday, waxaana fashilaad ah in Shantii Sanno ee Xukuumadduni taladda haysay in aanay ku tashan inay Doorasho dalka ka qabato”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey inay Xeerka Doorashooyinkan ee khilaafka keenay ayaa yidhi “Hadda Golaha dibada ayaan ka joognaa, madaama wax badani qabyo yihiin, waxaana ceeb ah in 24-sanno ee ay Somaliland jirtay la lahaa waa la isku tanaasuulayaa, waxa aanu ku adagnay oo aanu doonaynaa in aanu qabyo mnoqon nidaamka dawladnimo ee Somaliland, cid gaar ah ama beel gaar ahi ma leh Somaliland, anagu haddii aanu nahay XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, Golaha Wakiilada ma diidanin, qodob kalena ma diidanin, ee qodobka saami qaybsiga ayaanu diidanahay, marnaba ma ogolaanayno, haddii lagu socodsiinayana Doorashaba gali mayno”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), iyo doorka uu ku leeyahay xeerkan ayaa yidhi “ Masuuliyadda Guddoomiiyaha Golaha Wakiilada saarnayd waxa ay ahayd wax kasta oo suurtagelinaya Doorashada ee ku xidhan Wakiilada inuu sameeyo, wax kasta oo qaybo ah oo Doorashada ku xidhana in la dhameeyo, xilligan oo aad loo filayo inuu Golaha ka bixi doono, oo Musharaxnimadisa iyo hawlihiisa kale u maadax banaan doono, qodobkana waxa uu ahaa qodobada ugu waaweyn ee laga sugaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, markaas isagu uu soo dhigayuun, wax uu isagu masuuliyadeeda leeyahayna maaha, isagu Kal-fadhiguun buu furay, in lagu eedeeyana maaha”

 

Geeska