Waxa Aanu Kala Hadalay Sida Midawga Afrika Indhaha Uuga Laabteen In Ay Qiraan Qaranimada Qaan-Gaadhka Ah Ee Somaliland Waxaanan Cod Dheer”…..Wasiir Xirsi

0
Hargeysa(BIYO GUURE NEWS) Munaasabada Qalinjabinta oo ka dhacaysay dhismaha midawga Africa ee Addis Ababa ayaan Masuuliyintii ka socday Midawga Africa u jeediyey fariin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida midawga Afrika indhaha uuga laabteen in ay qiraan qaranimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland waxaanan u sheegay in shacabka Somaliland beerka ka ogsoon yihiin cid maalintan adag is barbar taagtay iyo cida dayrisay!

Waxay ahayd galabta abaaro 4:30 galabnimo ee saacada geeska afrika kadib markaan kasoo deggay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aniga oo kasoo kicitimay dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia caasimadiisa Addis Ababa.

/>

Sidii aan horay uuga warbixiyey socdaalkayga shaqo oo aan isku wehelinaynay wasiirka wasaaradda arrimaha debeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL Mud, Maxamed Biixi Yoonis ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa mashruucii jidka isku xidhaya marsada Berbera iyo caasimada Ethiopia ee Addis Ababa “Bebera Corridor”

Hadaba, intii aanu ku sugnayn caasimada Addis Ababa ayaanu kulamo la qaadanay Wasiirada wasaaradaha Maaliyada iyo Hawlaha guud iyo waddooyinka ee dawlada Ethiopia halkaas oo aan kaga wada hadalnay muhiimada jidka Berbera Corridor iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn uugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal.

Wasiirada ayaa dhankooda si mugle u xusay qiimaha jidkaasi u leeyahay iyo baahida weyn ee ay u qabaan in ay kor u qaadaan macaamilka ay la leeyihiin marsada dalkeena Berbera iyagoo xusay in ay dhankooda dardar gelin doonaan.

Waxaa Sidoo kale xusid mudan in intii aan ku sugnaa caasimada Addis Ababa aan nasiib wanaag kala qaybgalo arday reer Somaliland ah oo ka qalinjabinaysay Jaamacada New Generation faraceeda Hargeysa, waxaanan u rajaynayaa dhamaantood mustaqbal iftiin badan iyo guul waarta.

Hadaba, munaasabada qalinjabinta oo ka dhacaysay dhismaha midawga Afrika ee Addis Ababa ayaan mahadcelin kadib waxaan masuuliyiintii midawga Afrika ee goobta ku sugnaa u jeediyey fariin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida midawga Afrika indhaha uuga laabteen in ay qiraan qaranimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland waxaanan cod dheer uugu sheegay in ay dhiiradaan oo ay nala dhamaystiraan himilada qaranka Somaliland oo ah mid aan indhaha laga qarsan Karin, aniga oo xusay kaalinta Somaliland kaga jirto amaanka mandaqada iyo sida ay u dhamaystirtay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay dal madaxbanaan.