Wasiir Xaglatoosiye Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Buuhoodle.

0

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Buuhoodle oo socdaal rasmi ahi uga bilaabmay maanta oo axad ah.
dadweyne faro badan oo isugu jira qaybaha bulshada iyo maamulka gobolka iyo degmada ayaa weftiga wasiirka kaga hor yimid deegaanka kalshaale oo 35 Km dhanka W/Galbeed ka xiga Magaalada Buuhoodle.
Intaa ka dibna Wasiirka caafimaadka iyo weftigiisa waxaa loo gelbiyey gudaha Magaalada iyagoo ku soo wareegay waddooyinka dhaadheer ee magaaladaasi, ka dibna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.
Dr Saleebaan Ciise waxa uu xasuusiyey dadweynaha deegaankaasi in qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid lama taabtaan ah, cid kasta oo oo isku dayda inay waxyeelaysana tallaabo laga qaadi doono, halka sido kalena wasiirku ugu bushaareeyey dadweynaha Buuhoodle mashaariic horumarineed oo Xukuumada Somaliland ka hirgelinayso Gobolkaasi.

Â