Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanwayne, Oo Sheegay Inay Kormeerayaan Ilaha Dhaqaalaha Dalka

0

-Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanwayne, ayaa sheegay inay kormeer ku tegayaan guud ahaanba ilaha dhaqaalaha ee gobollada dalka oo dhan, sidaa awgeedna waxa uu baaq u diray dadka jooga goobaha dakhli ee dalka inaanay sas ka qaadin Guddiga maaddaama oo aanay ahayn Odhad wax baadha.
Xildhibaan Cumar Sanwayne oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay eegayaan sida ay shaqadoodu tahay inay ogaadaan xaddiga dakhliga dalka u soo xarooday iyo waxa aan soo xaroon ee dadweynaha ku maqan, isagoo xusay inay Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeyaan guud ahaan dakhliga dalka soo galaya iyo ka ka baxayaba.
“Ilaha dhaqaalaha ee waddanka oo dhan waan soo maraynaa waannu tegaynaa. Meel kasta oo il dhaqaale ah waannu tegaynaa. Annagu Odhad ma nihin oo wax ma baadhno, markaa had iyo jeer waxaad mooddaa ilaha dhaqaalaha marka aannu tegno in dad badani shaki ka qaadaan ama ay is-yidhaahdaan maxaa meesha ka soconaya ama aanay si wacanba noo siinnin wararka aannu ka doonayno macluumaadkooda.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Sanwayne.
Xildhibaan Cumar Sanwayne oo la hadlaya dadka jooga goobaha ilaha dhaqaalaha dalka ee ay kormeerka ku mari doonaan sida uu sheegay, waxa uu yidhi; “Markaa, waxaan u sheegayaa dadweynaha ay khusayso in Guddiga Dhaqaaluhu iman doonto oo gobollada oo dhan aannu tegi doonno oo ay sidaas ka war-hayaan in ay tahay inaannu ogaanno dhaqaaluhu inta uu le’eg yahay, inta soo baxda iyo inta ku maqan dadweynaha.”
“Guddiga dhaqaalaha ee Baarlamanku waxay u xil-saaran tahay had iyo jeer inay Wasaaradda Maaliyadda la shaqayso oo wixii Dakhli ah ee waddanka soo galaya iyo wixii baxaya labadaba ay kala shaqayso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanwayne.