DILKA IYO DHAAWACA QOYSKA MUJAAHID AXMED JABAAN WAX KA MASUUL AH MADAXWEYNE AXMED MAXAMED MAXAMUUD!!!

0
Marka hore waxaan Mujaahid Axmed Jabaan ka tacsiyadeynayaa falka argagixisadu kula kacday qoskiisii Galabnimadii Axadda Bisha August 9, 2015 oo mid inamadiisii ihi ku nafwaay qaar kalena dhaawacyo culus la gaadhsiiyey, isagiina xabsiga loo taxaabay. Axmedoow Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo wiilka dhintay inta dhaawaca ah Ilaahay caafimaad deg deg ah ha siyo. Halgankii Afweyne lagula jirey hore ayuu Mujaahid Axmed Jabaan qoyskiisii ugu waayey.
 
Marka xiga waxan xasuusinayaa MD. Axmed Maxamed Maxamuud taariikh lama illaawaan oo ku suntan halgankii qadhaadhaa ee dalkan loo soo maray:-
 
Yaa maali jirayeey malintay ciidu murugootay ee Mujaahidiintii Ururkii Xaq-u-Dirirka ahaa ee SNM go’aansaday in ay u soo babac dhigaan ciidankii Afweyne  Siyaad Barre, Mujaahid Axmed Xasan Jabaan wuxu ka mid ahaa halyeyadii soo bartilmaameedsaday taliskii Qaybtii 26aad; wuxu ka mid ahaa raggii Moorgan habeenmadow kabo la’aan kaga caydhiyey xeradii birjeex.
 
Waxa kale oon Madaxweyne Axmed xasuusinyaa uu isagu ka masuul yahay inta dil ee ciidamada ammaanku geysteen intuu talada dalka hayey. Cali Warancade, Cabdi Dahir Camuud, Jan. Fadal, iyo ubadka ka hawl gala dowladda Hoose hadalada ka soo yeedhayaa wax ka soo qaad ma laha sababtoo ah waxa ay toos uga amarqaataan duul madaxtooyada dhex barriinsada oon ummaddu xil u igman.
 
Madaxweyne Axmedoow ha moogaane Mujaahid Axmed Jabaan waa rukunadii Xisbiga Kulmiye; waxaanu ka mid yahay Mujaahidiinta ad dhiigoodii iyo dhiicaankoodii kursiga aad ku amar ku taaglaynayso ku fadhido!!!
 
Waxa keli ah ee madaxtooyada dilkan la wadaagaa waa ninka ama kooxda saldhiga laga iibiyey ee damacday in ay guriga Mujaahid Axmed Jabaana ku darsadaan. Kooxdaasi ha ogsoonaato in lacagtan dhulka lagu xalaaleynayaa tahay cashuurtii ummadda oo qowlaysato u heshiisey.
 
Madaxweyne, adiga oo xiligaa ahaa abaanduulihii guud ee ciidmadii SNM maalinta halkeed ku sugneyd waa su`aal.? Taariikhdu ma duugowdo oo sooyaal ummadeed. Maalinta lama ilaawaan Madaxweyne Axmed Diyaarad Ethiopian Airline ah ayuu ka halabsaday oo xagaa iyo carro Ingriis waa taad u huleeshay. Ilaahay hortii goob xun ma kaga dhaqaaqday ummaaddii iyo halghankiiba!! Mid, laba, iyo seddextoona may ahayn inta jeer ee Axmed Siiraanyo goob xun Somaliland kaga tegey oy ugu damb eysey xiligii Aftidii Distoorka loo codaynayey ee aad xilkii wasiirnimona iska casishay. Gadhka iyo gondahaba waatay Golihii wasiir ku qabdteen eed ganafka ku dhufatay. Cafis iyo saamaxaad iyo weliba kurisigii dalka ugu sareeyey ayaa lagu maamusay ka dib markaad adiga iyo Saleebaan gaal goąansateen in aad seddexda Gobol ee bari wadaad Shariifkii faruuryaha cadda kula shuraakowdaan.
 
Madaxeyne intii bani Aadam la karaamayn lahaa waa lagu karaameeyey; maxaadse ummaddii ugu abaalgudday. Abaalkaagii wuxu noqday in aad duruustii aad ka baratay macalinkaagii Afweyne Siyaad Barre in aad la shirtimaado. Waxa keli ah ee xukuumaddaada u hadhay waxa weeye in aad ku dalbato kaarayaasha oo qofkii hadlaba madaxa laga mariyo. 
 
Madaxweyn Axmedoow dadku sidan kuma madiidinsamo, kuma jaraysmo, kumana hogaansamayo č sidaa naftaado u sheeg. Xaajoow ha ku karaamo seegin. Askar dadka argagax glisa hore loo soo arkay halayse ku dambeeyeen kuwii sidaa u dhaqmi jiri.
 
Markay xukuumadda Axmed Siiraanyo bad, berri, dhul iyo cirba, hantidii ummadda ku bixisey eex, qoysnimo, qaraabo-kiil iyo qabyaalad; 
markii lagala xisaabtamiwaayey dalkan diirta iyo qirinqiirku mooraduugeen;
Ayaa hadda wuxu xaal marayaa in saldhigyadii booliska ee nabad gelyada sugi laha in hoos looga iibiyo budhcad, qowlaysato, iyo ma gafayaal ka qadhaabta madaxtooyada Somaliland oo shaadh ganacsato u soo gashatay boobka iyo dhaca dadka danyarta ah. Sidaa la iskaga hadhimaayo waana la xisaabtami.
 
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
August 11, 2015.