Daawo Muuqalka”Xildhibaan Maxamed Cali Dheere Oo Katirsan Golaha Deeganka Berbera Oo Mayar Cidin Ku Tilmaamay Nin Ka Been Sheegay Mashruuc Uu Bixiyay Oo La Siiyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama)

0

Berbera(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji(Maxamed Cali Dheere) oo kamida mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera ayaa naqdiyay jawaabtii uu maalintii shalay mayarka Degmada Berbera ka bixiyay eedeyntii lagu Eedeeyay inuu Mashrruc lacag badani ku baxday siiyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Xildhibaan Obama)oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Cali Dheere ayaa sheegay in mayarka Degmada Berbera Jawaabtii uu shalay kabixiyay arinkaas aanay ahayn mid dhab ah mayarkuna lagu qasbay inuu jawaabtaas bixiyo, waxaanu xusay in uu jawaabtaas mayarka degmada Berbera mudane Cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin)uu ku khasbay Xildhibaanka mashruucan qaatay ee kamidaka ah golaha wakiilada Somaliland.