Daawo Muuqalka”Qaar Kamida Cuqaasha Berbera Oo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera Ku Eedeeyay Fal Habeenkii Xalay Berbera Ka Dhacay Oo Dukaan Ganacsi Dab Lagu Qabadsiiyay

0

Qaar kamida cuqaasha Gobolka Saaxil ayaa ka hadlay fal habeenkii xalay ka dhacay magaalada Berbera oo lagu gubay dukaan uu leeyahay nin lagu magacaabo Muuse Buraale oo ah wakiilka shirkada basaska Ee Bari Iyo Galbeed, waxaanu dukaankas gubay oo dab iyo batrool qabsad siiyay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed-deeq Siciid Maxamed oo ka ganacsada iibinta kaluunka la shiilo kaas oo meel aan ka fogeyn dukaanka uu dabka iyo batroolka qabsadsiiyay ku shiili jiray kaluunka. waxaana lagu sheegay sababta ka danbeysa falkan uu wiilkani ku kacay mid ka dhalatay dagaal ganacsi oo dhex maray wiilka kaluun laha ah iyo Muuse Buraale oo ah ganacsadaha dukaanka lahaa ahaana wakiilka shirkada basaska Bari iyo galbeed.