CAJIIB- Qaxoontigii Dibad Yaalka Ahaa Ee Ku Sugnaa Giriiga Oo Dawlada Dalkaasi U Kiraysay Markab Hoy U Noqon Doona.

0

Wakaaladaha Wararka-(HWN)- Dawladda dalka Gariiga ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowday diiwaam-gelinta dadka qoxoontiga ah ee tirada badan, ee dhawaan soo buux dhaafiyay jasiirada dalxiiska loo tago ee dalka Giriiga, waxaana loo dhiday taandhooyin, iyada oo dawlada Giriigu qaxoontigaas u kiraysay markab.

Qeybtii u horaysay ee dadkaa qaxoontiga ah oo u dhashay dalka Syria, ayaa la saaray markab hoy u noqon doona illaa Laba Kun Iyo Shan Boqol, oo qof, kuwaas oo markii hore ee ay soo galeen dalkaa seexan jiray waddooyinka, markabkaas oo ay si toos ah u soo dirtay dawlada Giriigu, kaddib, markii ay rabshado gacan ka hadal wataa ay ka dhashen


dalab ay qaxoontigaasi ku doonayeen in la diiwaangeliyo, hoyna la siiyo, si ay u sii dhaafaan dalka Giriiga.