HAAKAH:-Hal ku dhig Hir-galay Oo Bogsiimmo U Noqday Siyaasiyiinta Kurraasta Ku Fadhiya –

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(xoog)oo katirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa meesha ka saaray warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey inuu xilka iska casili doono Guddoomiyaha Golaha Wakilladu Mudane Cirro, waxana uu tilmaamay inaanay wararkaasi wax jira ahayn.

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa   sheegay inaanu jirin sharci u diidaya inuu Kuraasta Baarlamaanka iyo midka Xisbigiisaba isku hayo,“Waxa soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu xilka ka degayo, laakiin waxan idiin sheegayaa cid iiga xogogaalsani ma jirtee waxan leeyahay xeer qudha oo odhanaya labada jago iskuma hayn karaa ma jiro, cid qoor-qabasho kaga kaxayn kartaana ma jirto,” ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Waxa uu Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata uu sheegay in Kursiga uu Guddoomiye Cirro ku fadhiyaa la mid yahay  kuwa ay ku fadhiyaan Guddoomiye Saleebaan-ka Guurtida iyo Waliba Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi,“Marka uu haakah yidhaahdo ayuun buu ka tegayaa, Qolooyinka usoo ham iyo dig leh eel eh wuu tegayaana waxan leeyahay marka hore waxad eridaan Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal, Marka aad labadaas eridaan uun baanu annaguna kan eryeynaa.”

Dhinaca kale waxa uu xildhibaan Xoog ka Hadlay Tabasho ay dhawaanahan Reer Awdal ka muujinayeen Hannaanka Loo qaybinayo Tirada Xildhibaanada Waddanka, waxana  arrintaas xalkeeda ka dalbay madaxweynaha, isagoo usoo jeediyey in Gobollada Beeshiisu degto uu ka yareeyo tirada xildhibaanada ugun daro Reer Awdal, waxana uu yidhi,

“Madaxweyne Nimanka Reer Borama si gaar ah baa loo dhaqaalayn jirey oo waxa ay leeyihiin madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intay sidan oo kale u  dudeen ayuu kula heshiiyey in 18-Kursi la siiyo, madaxweyne Reer Awdal ah baana qabsaday waxana uu ku yidhi inaga daaya oo 13-kusi qaata, markaa maanta adigaa mindida daabkeeda hayee nimankii sidii Cigaal inooga maslax oo nimanka inaga maslax oo adiguna kuwa Gobolkaaga ama Gobollada Beeshe dhexe degto shan xubnood uga soo qaad si doorasho u dhacdo.”