Maxkamada Sare Iyo Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Maanta Kulan Yeeshay .

0

Maxkamadda Distooriga ah ayaa Maanta Kulan Wada tashi Waxay la yeelatay Madaxda Sadexda Xisbi qaran si ay u dhagaysato aragtidooda ku saabsan Qaraarkii Golaha Guurtida iyo soo Jeedintii Axsaabta qaranka taas oo lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare.

Kulankaas ayaa Markii uu dhamaaday Waxaa Afka Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka ku hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe “waad ogtihiin oo madaxwaynuhu wuxuu usoo gudbiyay in ay maxkamadu tafsiir kabixiso qodobadii la isku hayay , labadii go’aan, kii guurtida iyo kii sadexda xisbi iyo xukuumadu ay wada saaxeexeen , markaa waxay maanta noogu yeedheen wada Tashi, waxaa ilaahay mahadiiya in aan Sadexdayada xisbiba isku raacnay go’aankii aanu

wada saxeexnay ee ahaa 2016ka inay doo rashadu inoo dhacdo haddii alla yidhaa” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali.Dhinaca Kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Distooriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa iftiimiyay Sababta dhalisay inay Kulankan la qaataan Sadexda Xisbi Qaran “sidaad lasoctaan  sideedii bishii sideedaad ayuu madaxwaynuhu usoo gudbiyay codsi fasiraad maxkamada distooriga ah qaraarkii dastuuriga ahaa ee golaha guurtidu soo saareen  iyo soojeedintii Sadexda xisbi , markaa si aanu arinkaa tafsiir uga samayno waxaanu uyeedhnay haayadaha ay khusayso siaanu wada tashi uag samayno sidaad maanta arkaysayna waxaanu wada tashi lasamaynay sadexdii xisbi oo wada jooga” ayuu yidhi.