Qaar Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Magaalada Hargeysa Oo Maayir Solteco Ugu Baaqey In Uu Xilka Iska Casilo Kuna Sifeeyey Masuul Shaqadisii Ku Fashilmay .

0

Qaar ka mida salaadinta iyo cuqaasha ka soo jeeda koonfurta iyo badhtamaha Magaalada Hargeysa  ayaa dhaliilo culus u Soo Jeediyey  maayirka caasimada hergeysa Cabdiraxmaan  Caydiid Soltelco.

Cuqaashan Ayaa Ku Tilmaamay Mayaar Solteco Masuul  ku koob naaday xaafadaha uu ka soo jeedo hayb ahaan sida oo kale waxa ay cuqaashani sheegtay in maayirku habayaraate wixii biriishka dhanka koonfureed kaxiga in aanu u soo talaaban.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu Doonaynaa In aanu ka hadlano waxqabad la’aanta dawlada hoose iyo maayarka waxaanu layaabanahay waxa ay ku sameeyen mayirka wixii koonfur kaxiga dooxa hergeysa waxa uu u eegyahay

maayirku nin godob uqaba oo ladagaalamaya sababta oo ah muraayada magaalada marka la leeyahay waalaqurxinayaa waxa ugu horeeya madaarka wadadii maraysay halka lagamarin lahaa roog sida taaburta kala jeexan oo kale loo mariyay tan waa lakarkaraa oo waameel godan iyo meel wada hataqa waana wadadii ay soo marayeen dadka caalamka ka soodaga marwalbana waxa uu yidhaa bishadanbe ayaan samaynayaa waxbana kamajiran wixiidawlada Kulmiye dalka uqabatay waxaa barmadaw ku noqotay dawlada Hoose ee Hergeysa”Sida oo kale suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu baaq dheer u diray madaxwayne silaanyo waxaana uu yidhi, “Waxaan ka codsanayaa madaxwaynaha mar hadii uu maayirkii hargeysi uu noqday hawlgab in wasaarada hawlaha guud laguwareejiyo wadooyinka si ay wax uga qabato inta uu maayirkaasi joogo waxaanu leenahay dadwaynaha maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ccashuurtiina waxkuqabsada oo xaafad xaafad lagadhisi mayo”

Suldaan Cawil waxa uu ka waramay sida oo kale wadooyin baa’ba ay oo katirsan xaafadaha jameeco wayn iyo agagaarka madaarka hergeysa waxaana uu yidhi, “Waxaanu soo aragnay laba wado oo labadunba magaalada midi waa halkan jameecada oo gawaadhidi kama baxayso oo booyada biyaha sida kama baxayso oo dib ayay u soo cararaysaa waana wadooyinkii marka hore daamurka lamariyay waxaa kale oo aanu soo marnay oo jirta madaarka marka laga baxaayo halkiisa bari umad dhan oo deegaana yaa ku nool oo baro kaca halkuu maayirku wado ugadhigay hadaad aragtaan gudaafad xashiish dadku in ay yihiin mooyaane halkaas ayaa wadaa ma odhanaysid hadayna maayar dadka lexo-jacle kaahayn anaga ayay nagahaysaa oo ay dadkayagii yihiin”

Caaqil Xuseen Xasan Cali oo kamida cuqaasha ka soo jeeda koonfurta iyo badhtamaha hergeysa kauna hadlayay afka gudida kumeelgaadhka ah ee horumarinta beel waynta cida gale ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maayirku deegaankan aanu salaadiinta iyo cuqaasha unahay wax uu ka qabtay majiro wadooyinka xaafadahaas oo dhana way burbursanyihiin oo areimihii bulshada ee xaafadaha maxamuud haybe iyo maxamed mooge way burbursanyihiin maayarkana waxaan leeyahay hadaad waxkabadali waydo sidan maayir noogu noqonmaysid dadkuna waxay cashuurta ubixiyaan waa in wax looguqabto”

Jiif Caaqil C/qaadir Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan leeyahay anuu maayirku takhasusba umalaha hawshan uu qabanaayo ama loo igmaday qofkuna waxan haduuna aqoon u lahayn isaga ayay dhib kutahayba wadooyinkana waa halbawlihii magaalada oo waxba lagama qaban kuwii kalana way ka sii daranyihiinba maayirkuna xaafadaha maxamuud haybe iyo maxamed mooge mabuusoogadhiba oo mabuusoodul marinba markaa haduuleeyahay maayirkalaan ku halaynayaana hasheego haduu maayir umada yahayna hasheego waxaana uu isku haystaa in laga soo doortay madaxtoyada ee waxaanu ku leenahay mayir dadka ayaaku soo dortay”

Jiif Caaqil Rashiid C/laahi Oo isna gaba gabadi halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anaga oo aha xaafadaha magaalada ugu waawayn oo aanayjirin wax cashuura oo dadkaasi ku baaqatay maayirakan iyo golihiisa deegaankaba kama hayno wax waxqabad ah markaani maayirka u tagno wax jawaaba oo nagaga soo noqdaana majirto waxaanay magaaladu u baahantahay laba maayir maayirkana waxa uu noqday maayir madaxtooyada ka sharaxan oo madaxtooyada uun ku jira oo shaqadii magaalada uu u hayayba aan garanaynba sidaa awgeed waxay magaaladu u baahantahay maayir u shaqeeya oo aan isku haysan in madaxtooyada laga soodortay

<iframe width=”420″ height=”315″ src=”https://www.youtube.com/embed/Is79f6XIHpo” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>