Wasiir Waran Cade Oo Ka Waramay Iska Horimaad Dad Shacab Ah Hargaysa Ku Dhex Maray Iyo Dhimashada Ka Dhalatay

0

Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Wara Cade ayaa ka hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay iska Horimaad Rabashado Watay oo hargaysa ku dhex maray Ciidan iyo dad shacab Ah.

Wasiirka Ayaa cadeeyay inuu dhintay Wiil 13 jir Ahi,dhaawacna ka soo gaadhay Toban Qof oo ciidan iskugu jira iyo dad Shacab Ah,waxaana uu baaq u diray Bulshada isaga oo u soo jeediyay in Ay lashaqeeyaan Ciidanka Booliska oo Markasta Amaankooda heegan ugu jira.

Geesta kale waxa uu Han-jabaad u diray Masuuliyiinta Ganacsatada Ah ee keena Bacaha isaga oo sheegay in Cidii Lagu Qabto Talaabo Laga qaadi Doono,waxaana uu baaq u diray Maayarada dalka isaga


oo u soo jeediyay in Ka shaqeeyaan Bilicda Magaaladooda waxaana uu yidhi.
“Hortu umada ayaynu nahay Maalin kasta dhibaatooyin way Dhacaan Hortu,lakiin Arimahani maaha arimo Siyaasadeed iyo Arimo kale,waxa weeyaan dad dhul isku qabsaday oo ah imika Mushkilada inoogu wayn ee Ina haysata oo Qofna leeyahay waad igu soo durugta iyo kugumaan soo durkin,halkan sida ay wararku igu soo gaadhayaan laba nin oo meherado haystay ayaa nin damcay inuu meeshii dhisto kii kalena soo dacweeyay,dabadeena ciidankii ayaa yidhi jooji inta la isku imanayo, markaas meesha khasaare ayaa ka dhacay waana la xalin doonaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Aduunyada waad maqashaan oo wax way dhacaan booliskuna maaha malaa’ig way khaldami karaan waxna way sixi karaan,wixii khalad ay galaan anaga ayaa tunka ku qaadanay waanan ka daw baxaynaa,bulshadana waxaan jecelay inaan halkan uga jeedo boolisku waa booliskoodii in ay lashaqeeyaan ayaa waajib,dunidu waxa ay baan inaga saareen waxa mudaharaadka lagaga hortago oo iibkii la diiday.

Haay’addaha xuquuqda u dooda waxa ku canaantay in ay xanibaad ka sareen hubkii lagaga hortagi lahaa dadka mudaharaadka dhigaya isaga oo soo jeediyay in lasiiyo si ay u kala ilaaliyaan dadka iyo ciidanka hubka nool sita.

Geesta kale waxa uu ka warbixiyay Khasaaraha ka dhashay dadka ay ciidanku xabad ku kala dareerinayeen isaga oo shacabka fariin u diray una soo jeediyay in Ciidanka Aan cadaw loo arage saaxiib laga dhigto.

“inan waa uu dhintay saddex kalena waa dhaawac ciidanka waxa khasaare soo gaadhay todobo askari,waxa uu ka hadlay sida uu u arko dilalka hargaysa ku batay”adeer halka aynu nabad galiyada ka gaadhnay waa meel wanaagsan,waxaanan odhan karaa wariyaha su’aasha I waydiiyay maalin uu dalku ka wanaagsan yahay maanta majirto,lakiin waa ay dhacaan laba qof oo inta ay wax isku qabteen is dila.

sidoo kale waxa uu cadeeyay Cali Maxamed Waran Cade in Loo baahan yahay Caasimada bilicdeed la ilaaliyo qofkasta wajahada hortiisa ah inuu dhigi mar-mar,isaga oo Digniin Kama Dambays Ahna u jeediyay Ganacsatada Bacaha keena,waxaana uu sheegay in Qofkii Bac Soo dajiya Laga Gubu Doono waxaana uu yidhi.

“Nadaafada darada waxa Marka hore abuura Baca Qaadka Lagu rido Ama Dumarku ku soo adeegtaan,waxaanan soo jeedin lahaa in umadu am bulshadu salada isticmaasho si looga guuro bacda oo dhib dalka ku haysa,dhibaatada ay inagu hayaan waxa ka kow Ah in ay deegaankii iyo dhirtii qabsadaan in ay dhulkii wax ka soo baxayeen daboolaan,markaas markii latashaday waxa laqaatay in lajoojiyo bacdaas.

waxa uu digniin u diray.”halkan waxaan ka  ogaysiinayaa ganacsatada ka shaqaysa bacaha,wixii laga bilaabo bisha 6deeda in laga gubi doono cidii soo dajisa dalka,cid loo cashuuri doonaana aanay jirin cid iibin kartaana aanay jirin.

Gaba-gabadii waxa uu cadeeyay isaga oo bulshada fariin u diraya wasiirka Arimaha gudaha somaliland in loo baahan yahay qofkasta inuu marmar dhigo gurigiisa am meheradiisa iyada oo laga duulayo si ay bilicdu u wacnaano isaga oo dhamaan maayarada dalkana faray inuu maayarkasta diyaar u noqdo sidii uu dhankiisa u dhamaystiri lahaa marmarkaas la dhigayo wadooyinka iyo meheradaha hortooda.