Ugaas Cabdi Risaaq Koosaar Oo Ka Hadlay Rabshado Hargaysa Ka Dhacay Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

0

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo ka mid Ah ugaasyada ka soo jeeda galbeedka somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Ciidanka Booliska oo dad Shacab Ah Xabad Nool u adeegsaday,Taas oo sababtay in Dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen.

waxa uu fariin u diray Madaxwaynaha somaliland isaga oo u soo jeediyay inuu ka war hayo Dhibta Lasoo gaadhsiiyay Dadka Shacabka Ah,isaga oo tacsina u diray dadkii Ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay rabshadaasi,Halka kuwa kale uu Caafimaad u rajeeyay.

Ugaas waxa uu ciidanka u soo jeediyay in Ay ka waantoobaan Siday ay dadkooda Xabad u adeegsanayaan isaga oo farina u diray.

“umadan masuulkeedu


waxa weeyaan madaxwaynaha qaranka somaliland,isaga ayaa shacabka ka masuul Ah,dadkuna waxa ay is waydiiyaan madaxwaynahani Majoogo iyo Wuu joogaa dad badan ayaanu isku qabsanay in Badan,Maqnaan Shahuna Maaha mid uu meel kale ku maqan yahay ee waanu ka war hayn Hawlaha socdo uun weeyaan,Lakiin Maanta waxaan Xaqiiqsaday Mar Hadii Dhibta intan leegi Maalin kasta uun dhacayso Majoogadii lasheegayay Ayaa dhabowday.
Intaas waxa uu ku daray ugaasku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”waxaana waajib ah in uu madaxwaynahu masuuliyiintiisa kula xisaabtamo dhacda kasta oo dhacda,Dhibta taaganina waa dadkan maalin kasta la iska laynayo ee ciidanku ku tarki falayaan,Guryahoodana ugu dataan dadka shacabka Ah iyaga oo Waxyeelo Gaadhsiiya.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in Ciidanku iyaga oon Waaran Qabasha Ah sidanin aanay dadka Sharciga u soo marin taasina ay tahay tamarkasta dhibta keenta waxaana uu yidhi.

“Markasta waxa waajib Ah in Dhibta Laga hortago,ciidankuna iyaga ayaa dhibta ugu badan gaadhsiiya dadka shacabka ah,cid uu u xilsaaran siday u shaqeeyaan kama war hayo madaxwayne siilaanyo shacabkiina isagii ayay tabayaan,madaxwaynaha somaliland fadhiga haka kaco oo dhibka iyo shacabkan cadaalada tabaya ha horimaado hana ogaado halka ay sartu ka qudhuntay.

Ugaaska ayaa ka shekeeyay siday arintan madax Dhaqameedku uga hawl galeen iyo Kaalinta ay ku lahayeen oo Ay ka qaateen isaga oo si niyad Sami Ah u sheegay in Ay ku rajo wayn yihiin in Ay hawshaasi dhamaato.

Waxa uu Caafimaad uga Rajeeyay dadkii rab-shadaasi ku dhaawac May isaga oo tacsina u diray qoyskii uu ka geeriyooday Wiilka yari ee xabad ciidanka ku dhintay,waxaana uu cadeeyay in Ay muhiim tahay in Talaabo Laga qaado Cid kasta oo sharciga ku gafta isaga oo Ciidankan u soo jeediyay in Ay Xabad ka dayaan dadkooda shacabka Ah ee Ay Maalin kasta dhibta u gaysanayaan.

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali ayaa fariin u diray Xukuumada uu kaga dalbanayo inuu sharcigu shaqeeyo isaga oo wasiirka Arimaha Gudaha somaliland u soo jeediyay inuu ciidanka booliska gaynayn Meel Aanay Sharci u haysan.