Daanyeer Geedi Ah Oo Abaar Adagi Hayso Oo Boob iyo Weerar Kusoo Qaadey Beeraleyda Dooxooyinka Ceel-Giniiseed iyo Dhalaadu

0
Daanyeer tira badan oo abaar iyo gaajo soo Geedi galisey ayaa, weerar xoogan kusoo qaadey Beeraleyda Dooxada Ceel-Giniiseed iyo Dooxada dhalaadu iyo Gees-dheere ilaa Jidhi, waxaanu kooxdan daanyeerada ahi Xoog ku galeen Beeraha Bustaanada Waaweyn ee Ceel-Giniiseed iyagoo gacan saarey Geed weynta Khudaarta iyo Saladhkaba, taas oo ay Beeraleyda Ceel-Giniiseed u taag iyo caal waayeen in ay ka celiyaan Beeraha.
Waa markii ugu horeysay, ee Daanyeer Kumanaan ka badani  weerar noocan ah kusoo qaado Beeraleyda Ceel-Giniiseed iyadoo Beeraleydu ku sheegeen in daanyeerkani yahay mid abaari kasoo eryatey dhinaca Buuraleyda Waqooyi ee uu ku noolaa islamarkaana, yahay mid aan ka

dhaqaaqeyn wadhafka iyo wax kasta oo ay iskaga difaacayaan.

Daahir Muxumed Xudhun,oo kamid ah Beeraleyda Ceel-Giniiseed kana mid ah Raga ugu beeraha waaweyn ayaa cabsi xoogan ka muujiyay dhibaatada ka iman karta Waxyeelada oo dad iyo duunyoba soo gaadhsiin karo Daanyeerkaasi.
Kala Soco Hadhwanaagnews Wararka Kasoo Kordha Daanyeerka Weerarka Kusoo Qaadey Beeraleyda.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=161639#sthash.x8AgFbMj.dpuf