Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Guddoomiyahooda Faray Inuu Is Casilo.

0

Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa maanta ku baaqay inuu Guddoomiyahoodu xilka iska casilo Madaama oo ku sheegay in Ay yihiin Sharci daro,Golaha baarlamanka Somaliland

waxa ay cadeyeen inaan loo baahnayn in Markasta Golaha baarlamanka lagu sheego xaraan hadan lajoogo,iyaga oo go’aanka guurtida somaliland ku macneeyay mid sharci Ah.

Xildhibaanadu waxa ay ku doodeen in Ay fadhiyi Doonaan ilaa inta lasoo doorto Xildhibaano badala,balse aanay xilka kaga tagi doonin xaraan iyo sharci maaha,iyada oo guddoomiyahooda ku guubaabiyay inuu xilka iskaga tago hadii uu isagu diidan yahay muddo kordhinta guurtida.

Xildhibaan Xasan Cawaale,Xildhibaan Nac Nac,Xildhibaan Cabdi Qaadir iyo Xildhibaan Jaamac


Xasan aadan oo xisbiga wadani ka Tirsan ayaa dhamaan siwada jir ah u difaacay Go’aanka Guurtida ee Muddo kordhinta loogu sameeyay.
“Hortu waxa sharci daro Ahi Majiraan guurtidu waxa ay u qaabilsan tahay oo sharcigu siiyay in ay sameeyaan muddo kordhin,sababta oo Ah shan sano ayuu shacabku nadoortay ilaa hadana waxaanu fadhinaa toban sanadood,guddoomiye cirana intaasba guddoomiye ayuu ka ahaa wax sharci daro ahina majirto,sidaad daraadeed xalaal ayaanu ku fadhinaa,sharci ayaanu ku joognaa.

xildhibaan xasan cawaale waxa uu guddoomiyaha golaha u soo jeediyay hadii ay Golahu Xaraan yihiin inuu iska casilo xilkan uu u hayo,kana daayo wararka aan munaasibka ku ahayn golaha baarlamanka somaliland waxaana uu yidhi.

“Hadii haka tago golaha wakiilada,lakiin waxa xaraan ah oonu ku fadhinaa majirto,isaga ayay u taal hadii uu ka tagayo iyo hadii uu joogayo iyo waliba hadii golaha raali galin siinayo,Guurtiduna hore ayay u kordhin jirtay xaqna way u leeyihiin balse qoladan komiishanku kordhin iyo muddo cayimin toona male.

Geesta kale xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac ayaa isna cadeeyay xisbiga wadani ee guddoomiyahoodu fadhiyo golaha hadii ay diidan yihiin mudo kordhinta inuu xilka baneeyo waxaana uu yidhi.

“Golaha wakiiladu waa sharci waxaana ay ku fadhiyaan mudo kordhintii golaha guurtida waxaana leeyahay qoladan wadani eel eh sharci maaha in ay ina dhafaan,guurtida ayaa marka ay ka talisay xaalka dalka go’aankan gaadhay cid ka soo horjeesan kartaa majirto waxaan fari lahaa guddoomiyaha golaha inuu isagu xilka iskaga tago,anagu sharciga aanu 10kii sano eek a horeeyayba ku fadhinaya ayaanu maanta ku fadhinaa,hadalna loo joojin maayo sharcina sidaas ayaanu ku nahay.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Qaadir Jaamac Xaadu ayaa sheegay hadii doorashada dibu dhac ku yimaado in ay waajib u leedahay guurtidu in ay ka hawl gasho sidii Aanu dalku ugu dhicin dawlad la’aan waxaana uu yidhi.

“imika waad ka war haysaan guurtidu shan jeer ayay kordhisay,marka doorashada wakhtigeeda la qaban waayo duruufo kastaaba hakeneene guurtida ayaa kordhinaysa waana dastuuri waligeedna sidaas ayay ahayd,qofkii yidhaaha waa xaraan waxa qurux badan inuu iska casilo xilka uu hayo,meeshii waan idinla fadhiyayaa xaraana waan ku sheegayaa,masuuro galayso.

intaas waxa uu raaciyay xildhibaan cabdi qaadir isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Go’aankaas guurtidu waa dastuuri waana xalaal qofkii dacwad ka qabaana maxkamada sare hatago.

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa dastuuri ku sheegay mudo kordhinta loo sameeyay, isaga oo cadeeyay inuu badali kara uun baarlaman Lasoo doortay waxaana uu yidhi.

“Anaga waxa nabadali kara uun baarlaman lasoo doortay,go’aankaygu waa sharci guurtidana shaqo kuma leh, qodob dastuuri ahna waanu ku fadhinaa.

Hadalkan ka soo yeedhay Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Guddoomiyaha golaha wakiilada siday iyagu shegeen xaraan ku sheegay sharciga ay ku fadhiyaan xildhibaanada,iyaguna waxa ay u soo jeediyeen inuu xilka uu hayo iska casilo.