Wafti Uu Hor Kacayo Guddoomiyaha Komiishanku Oo Safar Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland –

0

Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdi Qaadir Iimaan Warsame ayaa maanta u aba Baxay Gobolada Bariga Somaliland,iyaga oo ujeedkoodu ku sheegay in Ay u kuur galayaan Xaalada Diwaan galinta Cod bixiyayaasha Gobolada Sool Iyo Sanaag.

Mudada ay ku sugnaan Doonaan ayaa lagu cayimay Laba Toddobaad oo Kaliya,waxaana qayb ka Ah Saddexda Xisbi qaran,Wasaarada Gashaan-dhiga Somaliland,wasaarada Arimaha Gudaha iyo Golaha Guurtida iyo Wakiilada.

Hadaba Warqad Qoraal Ah oo ku saxeexan yahay Afhayeenka Komiishanka oo Nuqul Ka Mid Ahi soo gaadhay Shabakada HadhwanaagNews ayaa waxa uu u dhignaa Sidan.

 

Nuxurka Qoraalka Komishanka

 

WAR-SAXAAFADEED

Date: 04/08/2015

Ujeedo; Komishanka Doorashooyinka


Qaranak oo Kormeer shaqo

ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.

Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.

Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:

1.     Gudida Komishanka Qaranka.

2.     Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.

3.     Wasaarada gaashaandhiga.

4.     Wasaarada arimaha gudaha.

5.     Golaha guurtida.

6.     Golaha wakiilada.

 

Allaa mahad leh

Komishaneer:  

Saciid  Cali Muuse

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=161282#sthash.fkzozja5.dpuf