Britain Oo Sharci Adag Dul Dhigtay Tahriibayaasha

0

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku shameyneyso dad dhul haysta oo masuul ka noqda ka saaridda guryaha dadka tahriibayaasha ah haddii codsiyadooda ee megengelyo doonka la aqbali waayo.

Wasiirka bulshooyiinka, Greg Clark ayaa sheegay in milkiilayaasha dhulalka ee aan la socon dadka guryaha ka kireysta la xiri doono shan sano.

Waxa uu intaa ku daray in sharcigan uu qabanayo dadka guryaha iska leh ee lacagta ka sameeya soogalootiga sharcidarada ah.

Hadalkiisan ayaa waxa ay imaanayaan iyadoo ay sare u sii keceyso walaaca ka dhashay tahriibayaasha ku sugan magaalo xeebeedka Faransiiska ee Calais kuwaas oo doonaya inay Britain u gudbaan.

Maalintii Axadda, wasiirka cadaaladda iyo tahriibayaasha ee Sweden,

Morgan Johansson, ayaa waxa uu cambaareeyay in David Cameroon uu ku dhawaaqay dadka doonaya inay Britain galaan kuwa sharcidaro ah.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in marka hore la dhageysto codsigooda megengelyada la xiriira.