Wariyayaashii Xabsiga ay dhigtay Ahlusunno oo dib Xuriyadoodii u helay.

0

ararka naga soo gaaraya Degmada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in la sii daayay  6 wariye oo ka howlgalayay Gobolkaasi.

Masuuliyiinta Ahlusunnah Ayaa la sheegay in ay si damiin ah ku sii daayeen wariyaashaasi oo ku xirnaa xabsiga Degmada Guriceel.

Wararka saakay naga soo gaaraya Gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in wariyaasha Maanta lagu maxkamadeeynayo Magaalada Dhuusamareeb.

6-da Wariye ayaa kala ahaa

1-    Max’ed Cabdi Max’ed oo wakiil uga ahaa Gobolkaasi Warbaahinta dowladu ay maamusho

2-    C/Jamaal Macalin Ax’ed oo wakiil uga ahaa Gobolkaasi TV- Kalsan

3-    Bashiir Max’uud Salaad Sanka oo u shaqeeynayay Tv-ga HCb Tv

4-    Leeylo Nuur Cilmi oo ka howlgasha Idaacada

Maxaliga ah Ee Codka Bartamaha5-    Nafiso xersi oogle oo iyana ka howlgasho idaacada Maxaliga Ah Ee Dhuusamareeb

6-    C/llaahi warsame Rooble oo isna Ah wariye ka howlgala idaacada Maxaliga Ah Ee Dhuusamareeb.

Nafiso Xersi oogle ayaa u sheegtay hadhwanaagnews in hadda ay yihiin maxkmad sugayaal maantana maxkamadooda lagu qaadi doono Magaalada Dhuusamareeb.