Maxamed Kaahin Oo Mucaaradka Ku Eedeeyay In Ay Beesha Caalamka U Gudbiyeen Qodobo Ka Dhan Ah Geedi Socodka Somaliland

0

-Gudoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka falceliyey Go’aamadii ay Axsaabta Mucaaridka Somaliland kasoo saareen shirkii ay Magaalada Hargeysa ku qabteen, waxana uu sheegay inaan qoddobadaasi ku habboonayn xaaladda iyo Milgaha waddanka Somaliland.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo u warramayey Telefishanka ay Dawladdu maamusho ee Qaranka, ayaa si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inay Xisbiyada Mucaaridku soo saareen Qoddobbo  ka dhan ah Distoorka qaranka, isla-markaana baalmarsan shuruucda waddanka,  “xisbiyadu shirkoodii waxay ku khilaafeen distoorka iyo curfiga qaranka u yaalla waxana  ay  yidhaahdeen Golaha Guurtidu waa sharci-darro, go’aankiisiina waa sharci darro, sidoo

kale waxay soo jeediyeen qoddobo aanu hore isula gaadhnay oo ay leeyihiin waa inuu madaweynuhu oggolaadaa Qaraarkii saddexda Xisbi.Marka hore laakiin cidda wada-hadalladaas abuurtay waa madaxweynaha, laakiin markii aanu xisbiyada qaraarkaas isla gaadhnay waxa naga horreeyey Go’aankii Guurtida.” Ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahi. Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata, ayaa eedo u jeediyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xisbigiisa Waddani, waxana uu sheegay inay kaliya ka Hadlaan Muddo-kordhinta Madaxweynaha loo sameeyey, waxana uu yidhi,“Guddoomiye Cirro iyo Baarlamaanka iyo Xisbigiisu waxay leeyihiin Muddo-kordhinta Madaxweynuhu waa sharci darro midda Guddoomiye Cirro-na waa sharci, annaguse waxanu hore u cadday inaanaan wada-hadalkaas iyo heshiiskaas kasoo horjeedin.”. Waxa uu Maxamed Kaahin Sheegay inay mucaaridka dalku xaq u leeyihiin in wixii Saluug ah ee ay ka muujiyaan Go’aamada ay Golayaasha qaranku soo saaraan u gudbin karaan Dhinaca Maxkamadda Sare, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hadii Go’aan distoori ah oo Gole kasoo baxay ay Xisbiyada Mucaaridka ahi saluugaan waxay xaq u leeyihiin inay Maxkamadda Geeyaan oo ka codsadaan inay fasiraad ka bixiso.” Mar uu Maxamed Kaahin Ka Hadlayey Qoddob ku jirey Qaraarkii Mucaaridku soo saareen oo nuxurkiisu ahaa inay Mucaaridku baaq u direen Bulshada Caalamka, ayuu sheegay in Haddii qaadhaannada somaliland la siiyo beesha caalamku goosato aanay xukuumadda joogtaa waxba ku waayi doonin, balse somaliland oo dhami ku dhibaatoon doonto,

“Bulshada caalamku waa Dawladaha reer Galbeedka ee Somaliland  kala qaybqaata Barnaamijyada Doorashada, diiwaangelinta iyo Barnaamijyo horumarineed, marka horese waxan saaxiibaday u sheegayaa in xilligan aynu joogno ay ugu badan tahay wada-shaqaynta iyo kaalmada dhaqaale ee Qaadhaan-bixiyayaasha ahi ay somaliland siiyaan, Gobollada dalkana mashaariic badan baa ka socota, laakiin Qoddobkan waxan isleeyahay oo labada xisbi-mucaarid uga jeedaan oo isleeyihiin oo qaranka ay gefka intaas le’eg ugu samaynayaan oo ay marwalba shacabku ugu leeyihiin Qaadhaan bixiyayaashii baa mucaawimadii inaga joojisay. Waxan u arkaa arrin aan fiicnayn inuu xisbi dadka ku yidhaahdo wada-shaqayntii waa la inaga joojiyey. Waxana ay ku ruxruxayaan qolyaha Qaadhaan bixiyayaasha oo ay leeyihiin Dawladda noo gacan qabta.” Ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahi.