Yurubey Kulmiyaay Maxaad Duul isku keentay aan isku Darajo ahayn Taladiina iska Maroorsanaaya

0
Marka hore waxaan aad u Salamaayaa dhamaan shaqaalaha Sharafta leh ee warbaahinta caalamaiga

Waxa aan halkan aan  kaga yara hadalayaa wax yar oo ku saabsan dhibka ku kala haysta Europe ama meelo la mida Qof Aqoon leh sida mid Maadi ah amaba mid Diini ah iyo Umada kale ee uu la noolyahay kuwa ku dhex jira ee ah laa yaktub walaa yaqra( mana qoro  mana akhriye ),
Sidaynu wada ogsoonayhay waxa wadan keeni Somaliland dhamaan Dhalaninyaradii amaba badankoodi waxgaradkii ay ka soo haajiriin last 20 Years  taas oo ay soo galeen Europe amaba America sifo kasta ha u yimaadaan Qaaradahaase, Hadaba dhalinyatii soo


gashay be fore 20 Years Europe iyo Americaba waxa ay heleen jaanis ay wax ku bartaan amaba xirfado ay ku samaystaan kale taas oo ay sabab u ahayd, 

1- Aduunka oo aanay ku badanayn Dadka soo galaytiga ah ( Qaxoontiga )  ee usoo haajiraa kadib waxa ay jaanis u heli jireen inay la jaan qaadaan wadankaa ay yimaadeen oo laga xiisaynayo 
2- Dhalinyartii xiligaa soo gali jirtay oo ahay dhamaantood qaar soo dhisay bayskooda hoose amaba sare sida Dugsi dhexe  amaba Sare 
3- Sixir barab aan ka jirin Aduunka ka hor 20 Sano
4- Dagaalo Diimeed ama Qabiileed oo aan ku badanayn Dunida 
5- Dadkaas soo haajiri jiray oo dhamaan ka imanjiray Magaalooyinka waayeyn ee Somaliland iyo Somaliya
6- Muhaajiriintaas oo ahayd qaar ka ay aqoontoodu hagto se aanay  hagin qabyaalad iyo Aqoon daro kale.
Hadaba waxa maanta Kajira siiba qaaradan Europe dhib aad ubadan oo kala haysata  dadkii aqoonta lahaa iyo qof jaahil ah oo ay ahayd inuu ku ixtiraamo qofka kale aqoonta uu leehayahay Maadi iyo Diiniba tay doonto ha ahaato Aqoontuye, waxa jira nasiib daro inay dhalinyartii ugu badanay soo galaan 10 Sano ee ugu danbeeyey Europe,
waxa jira Xarumo ama maqaaxiyo amaba ururo kulansiiya  dadka ku nool wadankasta oo ka mid ah Europe taas oo ay ku yeeshaan Dood wadaag amaba talo wadaag.
waxa jira nasiib daro dhalinyartii soo gashay sidaan kor  ku xusay  10 kii sano ee danbe taas oo ay Europe ku dhacday dhaqaalo xumo iyo sixir barbar  oo  ayna  ku sii bateen qaxontiga ka kala imanaya dunida dacaladeeda, waxa jirta inay aanay dhalinyartaasi siiba Somaalidu u helin jaanis ay wax ku bartaan iyada oo ay markii horeba ka wadankii ay kala soo kulmeen waxbarasho  la’aan xaaladaha dhalqaalo xumida ee ka jirta Europe awgeed iyo waliba dhalinyartaas oo aan lahayn waxbarasho  ay ku soo barteen wadankoodi hooyo oo ay ubadan yihiin qaar laga keenay miyiga kadibna soo haajiray iyo qaar aan markay jogeen Magaaloyinkoodi  xoogsanjiray Nolol maalmeed kooda.
Hadaba waxa maanta meel iskugu wada yimid dhamaan dadkaas aan sare kusoo xusay oo yeeshay Dood wadaag iyo waliba  haday noqoto wax dan ah oo ka dhaxaysa inay dhistaanaba, waxa jirta in aanay isku ixtraamin sida loo kala aqoon badan yahay amaba loo kala Cilmi Diini ah badan yahay oo ay dhacday inuu talo iyo tusaaleba maroorsado Qof aan aqoon ulahayni,
waxa dhacday inay ka simanyihin haday tahay muuq iyo maalba,
waxa dhacday inay ka simanyihiin aragtida ay ka qabaan dadwada sharci ku jooga bixaysay,
waxa dhacaday inay ka simanyihiin wixii loo kala roonaa ee ahayd in la isku ixtiraamo oo ahayd Aqoon.
waxa aan ku soo gabagabayn lahaa Maqaalkaygan yar ee kooban in loo dhawro ama loo dhaafo qofkastaa waxa uu ku fiicanyahay si loo helo mustaqbal fiican oo ay yeelato umadeenu aayaha danbe, oo aanay noqon jaantaa rogan  waayo reer galbeedku dan kaama laha jabkaaga iyo inaad wax baratid toona se aan la odhan weynu ka simamanay wax kasta oo waakaas reer galbeedku qol iskugu keen soo xareeyey aynu ku murano amaba ku talo maroorsano.
Alle sidii khayr leh ha inoo garansiiyo dhalinyarteena manta Europe daafaheeda ku dhibataysan ee badan koodu bilaa mustaqbalka ku yihiin xagii Maadiga iyo Cilmiga Diinigaba,
Talo: waxaan siin lahaa kuwa aanu wakhtigu u saamixin inay waxbartaan ee dhinacii wadan kii hooyo iyo dhinca Europe ba inay ku xaq dhawraan ku wa aqoonta Maadiga ama Diinigaba talooyinkooda  IWM.
ALLAA MAHAD LEH.
XAMSE M.D  Ali
xamse201@hotmail.com